Daawo "Waxad Arkaysa Xisbi Mucaarad ah oo Madaxda Qaranka ee hadda joogta Caayaya ee Caytamayaa, hadhow isagu muxuu filayaa?"Wasiir Xirsi

0
Monday June 29, 2015 - 09:20:33 in by salman abdi
  • Visits: 752
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo "Waxad Arkaysa Xisbi Mucaarad ah oo Madaxda Qaranka ee hadda joogta Caayaya ee Caytamayaa, hadhow isagu muxuu filayaa?"Wasiir Xirsi

    Wasiir Xirsi oo Caawa ka hadlayey Munaasibad lagu caleemay saaray Chief Caaqil Barkhad Cabdi Shaybe oo lagu qabtey Magaalada Burco ayaa sheegay in Mucaaradka looga baahan yahay inay la yimaaddaan qorshe iyo barnaamij ay bulshada ku hanan karaan, laak

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Xirsi oo Caawa ka hadlayey Munaasibad lagu caleemay saaray Chief Caaqil Barkhad Cabdi Shaybe oo lagu qabtey Magaalada Burco ayaa sheegay in Mucaaradka looga baahan yahay inay la yimaaddaan qorshe iyo barnaamij ay bulshada ku hanan karaan, laakiin looga wanaagsan yahay cay iyo aflagaado si joogta ah loogula kaco Madaxda dalka ugu sareeya.

"Kii Shalay Lahaa Waddada Ceerigaabo La Samayn Maayo Oo Waa Tuug, Waxaan Leeyahay Kaalay Maanta Ayaanu Kugu Casuumaynaa Oo 150KM Ayaa Dhamaadaye…Daamurkii Waddada Oo Dhanna Hal Foosto Nagama Maqna..” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa xukuumadda ka difaacay eedaymaha kaga yimaadda xisbiyada Mucaaradka ah, waxaanu sheegay inaan cay iyo aflagaado lagu hanan Karin talada talada qaranka, balse tahay wax xagga Alle laga ogolaado.

Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Waxaad arkaysaa xisbi Mucaarad ah oo rejo ka leh dalka haddana caytamaya, oo caayaya Madaxda Qaranka ee hadda joogta, hadhow isagu muxuu filayaa, waxaan leeyahay waar siyaasaddu cay iyo afagaado maaha, bulshada ayaanu u bandhigaynaa, waxaanu leenayay kuwa shalay nagu caayey waddada Ceerigaabo ayaa maantana Madaxda Qaranka ugu sareysa caayaya oo waxaan jirin ku sawiraya”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay "Waxaan leeyahay kuwo kuraasta u haliilaya waar ha qawadin nasiibkaaga oo ha saluugin calafkaaga oo cayda iska daa’. Kaalay nala tartan oo si sax ah u tartan, laakiin cay waxba nagaga qaadi maysid, xoogna waxba lanagaga qaadi maayo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Waxaad arkaysaa qaar kursi doonaya oo maalin kasta leh Madaxweynuhu dalka uma taliyo ama Madaxweynuhu wuu xanuunsanayaa, kooxbaa dalka haysata iyo Madaxweynuhu waa tuug iyo kuwa la jooga ayaa tuug ah, waar sidaa kursi ku helaysi maysaan, iska daaya fawaaxishka iyo cayda”
Wasiirku wuxuu farriin u diray bulshada "Waxaan bulshada u soo jeedinayaa waar idinku garta oo yeynaan fawaaxish, cay iyo aflagaado dhaqan ka dhigan. Ragga kursiga u haliilaya waxaan leeyahay xilka ILAAHAY baa bixiya oo samadaa laga bixiyaa ee cay laguma helo, cay siyaasad maaha ee waa ceeb, waa wax dhaqanka ku xun, waa wax diinta ku xun, waa wax milgaha iyo masuuliyadda dawladnimada ku xun, waayo siyaasaddu waa hiraal iyo aragti bulshada qancin karta iyo barnaamij siyaasadeed oo taageerayaashaadu kugu raaci karaan oo aad qalbigooda ku hanan karto, balse cayda iyo qabyaaladdu waa wax dhaqankeenna ka caagan, ummaduna birmageydo yeelan mayso (Haddii sidaa wax ahaadaan)….”ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey inay diyaar u yihiin tartan ay xukuumad ahaan la galaan xisbiyada Mucaaradka ah "Tartan diyaar baanu u nahay ee miidaanka kaalaya, dhaliisha aanu leenahay diyaar baanu u nahay, toosin iyo sixid diyaar baanu u nahay…”
Wasiir Xirsi, waxa uu Mucaaradka ugu faaney in KULMIYE markii uu Mucaaradka ahaa la yimid barnaamij siyaasadeed, laakiin aanay iyagu ka Mucaarad ahaan wax barnaamij ah bulshada u soo bandhigin, hasa-ahaatee ay cay ku beddesheen "Haddaanu KULMIYE nahay shalay barnaamij baanu bulshada u soo bandhignay, qorshaanu la nimid markii aanu dawladda noqoney, filic iyo fulin horumarineed ayaanu la nimid, waalla ogaa shalay markaanu bilownay Waddada Ceerigaabo kuwii beeninayey ee lahaa samayn maysaan, kuwii lahaa tuug baad tihiin oo lacag baad ku urursanaysaan, waxaan leeyahay bulshooy idinkaa marag ah, waad ogtihiin halka ay maanta mareyso, 150KM ayaanu dhamaynay, oo lakabkii koowaad iyo kii labaadba dhamaystirnay, waxaanu keenay dhammaan daamurkii waddada Ceerigaabo lagu dhamaystiri lahaa, hal foosto nagama maqna maanta…sidaa daraadeed kii shalay lahaa waddada Ceerigaabo la samayn maayo oo waa tuug, waxaan leeyahay kaalay maanta ayaanu kugu casuumaynaa oo 150KM ayaa dhamaadaye….” ayu yidhi Wasiirku 





Contact@afkashacabka.com