Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray 3dii Marxuum ee Ku Geeriyooday Shilkii Gaadhi Ee Aw-Barkhadle.

0
Monday June 29, 2015 - 09:36:00 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray 3dii Marxuum ee Ku Geeriyooday Shilkii Gaadhi Ee Aw-Barkhadle.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhambaal tacsi ah u diray marxuumintii ku geeriyooday shilkii gaadhi ee ka dhacay Duleedka Hargaysa, War-saxafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ayaa u lagu yidhi sidan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhambaal tacsi ah u diray marxuumintii ku geeriyooday shilkii gaadhi ee ka dhacay Duleedka Hargaysa, War-saxafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ayaa u lagu yidhi sidan.


28/06/2015

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen

  1. Marxuum Weli Daauud Cigaal (masuul sare oo ka tursanaa Wasaaradda Maaliyada qaybta Qorshaynta)

  2. Marxuum Maxamed Daauud Yuusuf (Weriye ka tirsanaa Horn cable Tv) iyo

  3. Marxuum Muuse Cali Haybe (Askarigii ilaalada u ahaa wasiirka Maaliyada) oo shil baabuur oo naxdin leh ugu geeriyooday inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa ka dib markii ay dulmartay gaadhi booyad ahi,  gaadhigii ay saarnayeen saddexdaa marxuum shilkaasina ay ku geeriyoodeen.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumiintaasi inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL.