Masuliyiinta Xisbiga UCID oo ka hadlay Falkii Xalay ka dhacay Magalada Berbera Xukuumaddana ku eedeeyey

0
Saturday April 12, 2014 - 17:17:05 in by Super Admin
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuliyiinta Xisbiga UCID oo ka hadlay Falkii Xalay ka dhacay Magalada Berbera Xukuumaddana ku eedeeyey

    Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay fal xalay ka dhacay Magaalada Berbera,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay fal xalay ka dhacay Magaalada Berbera,


kaasi oo ay ku geeriyootay Marxuumad Xamda Cilmi kuna dhaawacmay Wiil uu dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile. Masuuliyiintan ayaa tacsi u diray Ehelka Marxuumada Dhimatay, dhaawacana caafimaad degdega u rajeeyay. Xisbiga Ucid ayaa sababta dilkaasi ku xidhiidhiyey Wasiir xigeenka Amniga Wasaaarada Daakhiliga Somaliland.

Ku simaha Xoghayaha Ucid Cabdinaasir Qodax ayaa sheegay in Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile yahay xubinta kaliye ee Ucid ugu jirta Wakiilada, kana soo hadhay 21 xubnood oo xisbigu hore ugu lahaa Wakiilada islamarkaana ay ka xun yihiin falka lagula kacay ehelkiisa iyo isaga oo hore Hargeysa loogu rasaaseeyayba.

"Waxa ayaan daro ah in Ninka falka gaystay uu watay gaadhigii wasiir ku xigeenka amniga qarankaoo xil wayn ka haya dawlada, taasina waa mid laga xumaado, wasiirkaasna waxaanu leenahay adigay arintaasi ku fadhidaaye waa inaad dhinac iskaga qaadaa, waxa ninkaas danbiilaha ah u geeyey gaadhigaaga waa wax loo baahan yahay in cadaynteedii la helo, dadweynaha gobolka Saaxilna gaar ahaana dadweynaha reer Berbera waxaanu leenahay nabad galyada ilaaliyawixii khal khal wadanka galinayana ay ay ka feejignaadaan.” Ayuu yidhi Cabdinaasi Qodax.

 

Xoghayaha Maaliyadda Ucid Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo ka hadashay Shirka Jaraa’id ee Ucid xaruntooda Hargeysa ku qabtay ayaa sheegtay inay ka xumaadeen Falka ka dhacay Magaalada Berbera.

"Falkaas ka dhacay magaalada Berbera markii la na loo soo sheegaywaxa uu ahaa mid aad nooga nixiyey,gabadhiinasiib darada ku dhimatay ee xabada xaq darada ahi dishay oo aanaygalabsan iyada oo nolol maalmeedkeedii wadataywaxaanan ilaahay uga rajaynaynaa inuu janadii fardawsa ku casuumo eheladeedana uu samir iyo iimaan ka siiyo, wiilka uu dhalay xildhibaan Qabile iyo ehelkiisa oo dhan waxaan leeyahay aad ayaan uga xunahay waxaas mar labaad idinku soo noqday. waxa cajaa,ib ahoo aanu mar labaad la yaabanahay isaga oo xildhibaan Qabile maalintii lagu qaaday falkii lagu dili gaadhay eedeeyey wasiir ku xigeenka amnigakuna tilmaamay mid falkaas lagu dili gaadhay lug ku lahaa,maantana isla ninkii uu wato gaadhigii wasiir ku xigeenka amniga isaga oo falkii sameeyey, waxaanan jecelnahay inuu wasiirka amnigu cadeeyo waxa ninkan gaadhigiisa u geeyeywaxa dawlada looga fadhiyaa inay cadaysowaxa ninkan oo fal hore sameeyey ilaa hada uu u hubaysan yahay.” Ayay tidhi Marwo faadumo Siciid.

Hadalka Xisbiga Ucid ayaa ka dambeeyay fal xalay ka dhacay Magaalada Berbera ee Xarunta Saaxil kaasi oo ay haweenay ku naf wayday kuna dhaawacmay wiil uu dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile. Isku dhaca ayaa ka dhashay ka dib markii wiilka uu dhalay Xildhibaan Qabile jajabiyey Gaadhi uu watay Nin hore Aabihii ugu rasaaseeyay Hargeysa, ka dibna labada dhinac isku dhaceen, rasaas halkaasi laga ridayna sababtay dhimashada iyo dhaawaca. Xukumadd ayaan wali ka hadal falkaasi.








Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com