Ciidamada Qaranka Somaliland oo Gaadhay Widhwidh kana caydhiyey Maleshiyadka Khatumo oo halkaas kuso dhowaaday

0
Thursday July 02, 2015 - 08:17:27 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Qaranka Somaliland oo Gaadhay Widhwidh kana caydhiyey Maleshiyadka Khatumo oo halkaas kuso dhowaaday

    Ciidamada Qaranka jamhuuriyada Somaliland ee ku sugnaa jiidda hore ee Gobolka Sool ayaa shalay gaadhay degmada Widhwidh ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Qaranka jamhuuriyada Somaliland ee ku sugnaa jiidda hore ee Gobolka Sool ayaa shalay gaadhay degmada Widhwidh ,

 Ciidanka ayaa la sheegay in ay ujeedada u tageen ay ahayd in ay degmadaasi ka Eryaan Maleeshiyada khaatumo oo ku soo dhawaatay, wararka aanu ka helayno Degmada Widhwidh ayaa tilmaamaya in aanay wax iska horimaad ahi ka dhicin halkaasi, isla markaana maleeshiyada khaatumo markii ay maqleen in ciidamada qaranka Somaliland ku soo fool leeyihiin ay baneeyen deeganadii ay joogeen iyaga oo u kacay dhinaca iyo Buhoodle.

ciidan

Degmada Widh-widh ayaa hore waxa ugu sugnaa Qayb ka mid ah Ciidamada Qaranka Somaliland, halka kuwa shalay gaadhayna ay sii hoojinayeen.
Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa sida caadadu tahay waxay kormeer ku gala bixiyaan Gobolada Somaliland iyaga oo sugaya amaanka Dalka.
Dhinaca kalena waxaa la filayaa in ay ciidamada qaranku galaan degmada Buuhoodle.