Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Oo Ka Qayb-galay Tababar Ku Saabsan Baayac Mushtarka Haweenka.

0
Saturday April 12, 2014 - 22:04:27 in by salman abdi
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Oo Ka Qayb-galay Tababar Ku Saabsan Baayac Mushtarka Haweenka.

    Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Ah Md Bashiir Cabdi Xariir Iyo Mas'uuliyiin Kale Oo Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Ayaa Ka Qayb Galay Xidhitaanka Tababar Ay Qaadanayeen 100 Xubnood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Ah Md Bashiir Cabdi Xariir Iyo Mas'uuliyiin Kale Oo Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Ayaa Ka Qayb Galay Xidhitaanka Tababar Ay Qaadanayeen 100 Xubnood

Oo Haweenka Somaliland Ah, Kuwaasoo Baranayey Hanaanka Baayacmushtarka Iyo Faa’iido Soo Saarka.

Tababarkan Oo Muddo Labo Todobaad Ah Ka Soconayey Hotel Crown Ee Magaalada Hargeysa Ayaa Haweenka Ka Qayb Galay Waxay Mudadaasi Qaadanayeen Aqoonta Ganacsiga Furan Iyo Habka Macaashka

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Ah Md Bashiir Cabdi Xariir Ayaa Ku Bogaadiyey Haweenka Tababarka Dhamaystay, Isagoo U Soo Jeediyey Qabanqaabiyayaasha Tababarka Inay Haweenka Ka Taageeraan Hantidii Ay Ku Bilaabi Lahaayeen Ganacsi Ay Galaan, Isagoo Sheegay In Haweenku Yihiin Ganacsatada Ugu Badan Ee Dalkan JSL.

Dhankiisana Agaasimaha Waaxda Gender-Ka Ee Wasaaradda Qoyska & Arimaha Bulshada Md Cabdi Cabilaahi Oo Munaasabadaasi Ka Hadlay Waxa Uu Sheegay In Tababarada Noocan Ah Ee La Siinayo Haweenku Ay Qayb Ka Yihiin Arimaha Bulshada Ee Wasaarada Qoysku U Xilsaaran Tahay, Waxana Agaasimuhu Codsaday In Loo Sii Wado Haweenka Tababarada Horumarinta Arimaha Bulshada.

Marwo Aamina Faarax Kaarshe Madaxa Ururka Wadaniga Ah Ee Kheyraad Oo Hadal Ka Jeedisay Munaasabadda Xidhitaanka Tababarkaasi Ayaa Sharaxaad Ka Bixisay Sida Haweenku U Baayac Mushtaraan Oo Ah Hab Aan Ku Dhisnayn Xisaabaadka Lagu Kala Saaro Faa’iidada Iyo Khasaaruhu Waxana Tilmaantay In Ay Taasi Keentay In Tababarada Noocan Ah La Siiyo Haweenka Baayacmushtarka Ah Ee Reer Somaliland Si Ay Ganacsigooda Ula Socdaan Oo Ay Ku Horumariyaan.

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@Afkashacabka.com