"Waa In Petr Cech Uu Iska Saaro Jaceylka Chelsea Haddii Uu Guulo La Gaarayo Arsenal"Jens Lehmann

0
Monday July 06, 2015 - 12:02:30 in by Burco Office
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa In Petr Cech Uu Iska Saaro Jaceylka Chelsea Haddii Uu Guulo La Gaarayo Arsenal"Jens Lehmann

    Jens Lehmann ayaa aaminsan in Petr Cech uu ka caawin karo Arsenal inuu u qaado heer kale laakiin kaliya waa haddii uu meel iska dhigo jaceylka uu u qabo Chelsea. Goolhayaha xulka Czech ayaa isbuucii hore heshiis 11 milyan ginni ah ugu wareegay kooxd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jens Lehmann ayaa aaminsan in Petr Cech uu ka caawin karo Arsenal inuu u qaado heer kale laakiin kaliya waa haddii uu meel iska dhigo jaceylka uu u qabo Chelsea. Goolhayaha xulka Czech ayaa isbuucii hore heshiis 11 milyan ginni ah ugu wareegay kooxda Gunners.


Waxa uu 11 xilli ciyaareed uu ku soo qaatay Stamford Bridge isagoo kula soo guuleystay afar koob oo Premier League ah waxaana uu xiriir fiican la yeeshay shaqaalaha kooxda iyo taageerayaasha.

Goolhayihii hore ee Arsenal Lehman ayaa dareensan in Cech uu kala duwanaansho weyn ku keeni karo Emirates laakiin waxa uu qabaa inuu dhinac iska dhigo xiriirka uu la leeyahay Chelsea oo uu maankiisa ka saaro.

"Ka hor inta aadan qalbiga gashanin inaan koobab kale ku guuleysato, waa inaad marka hore iska soo saarto jaceylkii aad hore u qabtay.” ayuu Lehmann u sheegay The Sun.

"Madaama uu xirfadle yahay waa inuu iska saaro xiriirka kala dhaxeeya Chelsea, waxaana uu u baahan yahay inuu ogaado in Arsenal ay ka dooneyso inuu guulo u horseedo iyaga.

"Maskax ahaan ma ahan wax si sahlan loo sameyn karo… waxa ay qaadan kartaa isbuucyo xitaa dhowr bilood.”