Kulamada Isreebreebka Champions League Ee Man United Saameyn Kuma Yeelan Doonto U Dhaqaaqista David De Gea Ee Real Madrid.

0
Monday July 06, 2015 - 12:11:56 in by Burco Office
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulamada Isreebreebka Champions League Ee Man United Saameyn Kuma Yeelan Doonto U Dhaqaaqista David De Gea Ee Real Madrid.

    Haddii wadahadalada saxiixa goolhaye David de Gea ay sii jiitamaan ilaa maalinta ugu danbeysa ee suuqa kala iibsiga oo 1da bisha September ah, goolhayaha ayaa ku qasbanaan doona inuu Manchester United u ciyaaro kulanka wareega ugu danbeeya isreebreeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii wadahadalada saxiixa goolhaye David de Gea ay sii jiitamaan ilaa maalinta ugu danbeysa ee suuqa kala iibsiga oo 1da bisha September ah, goolhayaha ayaa ku qasbanaan doona inuu Manchester United u ciyaaro kulanka wareega ugu danbeeya isreebreebka Champions League. United

ayaa ku dhameysatay kaalinta afaraad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore sidaasi darteed waxa ay ciyaari doonaan wareega ugu danbeeya ee isreebreebka iyadoo lugta hore la ciyaari doono 18ka ama 19ka bisha August halka lugta labaad la ciyaari doono 25ka ama 26ka August.

Goolhayaha ayaa ciyaari kara labadaas kulan islamarkaana qeyb ka noqon kara sidoo kale kooxda Real Madrid ee Champions League. Taasi waxaa lagu xaqiijiyay sharciga Uefa qodokiisa 42.07 ee tartanka Champions League kaasoo dhigaya: "Ciyaaryahan loo isticmaalay inuu ciyaaro wareega koowaad, labaad ama seddexaad ee isreebreebka Champions League waa loo ogol yahay inuu Champions League u ciyaaro koox kale laga bilaabo wareega group-yada.”

Labadaas kulan kaliya ma noqon doonaan kulamada uu De Gea ciyaari doono haddii aan mustaqbalkiisa xal laga gaarin xilli dhow. 13ka bishaan July Man United waxa ay u safreysaa dalka Mareykanka waxaana ay afar maalmood ka dib magaalada Seattle kula ciyaari doonaan kooxda America de Mexico, waana kulanka ugu soo horeeya ee afar kulan oo saaxiibtinimo oo ay ciyaari doonaan oo ay ku jirto kulan ay la ciyaarayaan Barcelona 24ka bisha July.

Si kastaba taariikhda ugu walwalka badan ee goolhayaha waa 8da bisha August, waa taariikhda la bilaabayo xilli ciyaareedka cusub ee Premier League iyadoo United ay ku wajaheyso Old Trafford kooxda Tottenham. Waxa ay u noqon kartaa xaalad aan fiicneyn madaama uu Di Gea uu banaanka soo dhigay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Madrid inkastoo taageerayaasha ay ugu codeeyeen xilli ciyaareedkii hore xiddiga sannadka ee kooxda..

Dhanka kale Madrid ayaa horyaalka La Liga iyadana bilaaban doona 22ka ama 23ka bisha August, waxaana laga yaabaa inaysan waqtigaas iyagana xal ka gaarin dhibaatooda goolhaye.