Daawo:Maxaa Sababay In Cristiano Ronaldo Uu Si Cadho Leh Uga Dhaqaaqo Wareysi Lala Yeelanayay?+Sawiro

0
Monday July 06, 2015 - 12:19:10 in by Burco Office
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Maxaa Sababay In Cristiano Ronaldo Uu Si Cadho Leh Uga Dhaqaaqo Wareysi Lala Yeelanayay?+Sawiro

    Burco(AFKA)Cristinao Ronaldo oo cadheysan ayaa isaga baxay wareysi ka dib markii su'aalo laga weydiiyay mustaqbalka saaxiibkiisa kooxda Real Madrid Sergio Ramos. Kooxdii hore ee Ronaldo ee Manchester United ayaa laga soo diiday dalab 35 milyan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Cristinao Ronaldo oo cadheysan ayaa isaga baxay wareysi ka dib markii su'aalo laga weydiiyay mustaqbalka saaxiibkiisa kooxda Real Madrid Sergio Ramos. Kooxdii hore ee Ronaldo ee Manchester United ayaa laga soo diiday dalab 35 milyan ginni ah oo ay ka gudbisay daafaca reer Spain isbuucii hore.


2A41E99E00000578-0-image-a-55_1436125886477

Ramos oo ka careysan inaan la qiimeynin madaama mushaharkiisa loo kordhin waayay ayaa u sheegay madaxada Bernabeu inuu doonayo in arintiisa xal laga gaaro jimcaha soo socda ka hor inta aysan Real u ambabixin Australia iyo China.

Ronaldo ayaa lagu riixay inuu ka hadlo arinkaas wareysi uu siinayay SNTV isbuuc dhamaadkii, waxaana uu dhiibay jawaab uusan ku qanacsaneyn.

2A41E99400000578-0-image-a-43_1436124718894

2A41E9C200000578-0-image-a-46_1436125062523

"Ma aqaano” ayuu yiri ka hor inta uusan ugu celinin wariyaha "Ma aqaano.”

Xiddiga reer Portugal oo 30 sanno jir ah ayaana durbadiiba istaagay oo mikrafoonka iska bixiyay iyadoo wareysigii uu sidaas ku joogsaday.

Waxaase uu ka jawaabay su’aal la weydiiyay oo ku aadaneyd kabtankii hore ee Liverpool Steven Gerrard oo ku biiray LA Galaxy isagoo sheegay inay war fantastik ah u tahay taageerayaasha kubada cagta ee Mareykanka laakiin waxa uu ka baxay qolka wareysiga isagoo ay la socdeen wakiiladiisa.

Ronaldo ayaan si kastaba ku farxin soo jeedin aheyd inuusan si wanaagsan ku soo gabagabeynin wareysiga waqtiga koobkan.

2A41E9C600000578-0-image-a-47_1436125134400

Isagoo ku hadlayay afkiisa Portuga Ronaldo ayaa u muuqday mid aan ku faraxsaneyn in lagu tilmaamo inuusan waji furnaan u muujinin wariyihii wareysanayay.

"Waxba kuma adkeysanayo, isaga ayaa iga dhigaya inaan baxo” ayuu yiri Ronaldo sida ay tarjuntay Goal.com

"Ma waxaad dooneysaa inaan waji xun tuso ninkaan? Labadiina ayay tahay inaad arinkaan sameysaan. Arintaan waxa ay iga dhigeysaa inay dadku ii arkaan doqon.”

30 jirkaan ayaa salaamay wariyaha isagoo ku jiri ‘saaxiibkey aad ayaa u mahadsan tahay’ ka hor inta uusan bixin.


Contact@afkashacabka.com