Daawo Sawir: Raheem Sterling Oo Laba Maalmood Kadib Ku Soo Laabtay Tababarka Kooxdiisa Liverpool

0
Friday July 10, 2015 - 16:40:25 in by Burco Office
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawir: Raheem Sterling Oo Laba Maalmood Kadib Ku Soo Laabtay Tababarka Kooxdiisa Liverpool

    Raheem Sterling ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Liverpool kadib laba maalin oo uu kaga maqnaa xerada tababarka xanuun u gaar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raheem Sterling ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Liverpool kadib laba maalin oo uu kaga maqnaa xerada tababarka xanuun u gaar ah.


20-jirkaan ayaa lagu soo waramay inuusan qeyb ka noqon doonin kooxda Liverpool ee Axada u duuli doonta bariga Fog ee Asia isagoo kooxdiisa ku cadaadinaya in laga iibiyo Manchester City oo si ba’an u dooneysa.

Manchester City ayaa isku dayeysa iney la saxiixato Sterling inkastoo laga soo diiday laba dalab oo ay horay ugu gudbisay kooxdiisa Liverpool, mar kale ayeyna isku dayeysaa iney dalab sadexaad u gudbiso kaas oo dhan 50 Malyan Oo Pound.

Sida lagu sheegay warbixinta maanta xanuun daran ayuu kaga maqnaa kooxda sidoo kalana waxaa la sheegay inuu xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Branden Rodgers.

Si kastaba Liverpool waxey u duuli doontaa Axad magaalada Bangkok halkaas oo ay kula ciyaari doonaan talaadada koox laga soo xulay xidigaha ka ciyaara horyaalka Thailand.

Ugu dambeyntiina Sterling ayaa kusoo laabtay tababarka xili uu dhaleeceyn xanuun badan kala kulmay kabtankiisii hore Steven Gerrard.


Abdirisaaq Koronto
Burco/Office
Contact@afkashacabka.com