Martin Skrtel Oo Heshiis Waqtigiisa Dheer Yahay U Saxiixay Kooxdiisa Liverpool

0
Saturday July 11, 2015 - 09:05:46 in by Burco Office
  • Visits: 1078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Martin Skrtel Oo Heshiis Waqtigiisa Dheer Yahay U Saxiixay Kooxdiisa Liverpool

    Daafaca reer Slovakia Martin Skrtel oo horey u go'aansay inuu garoonka Anfield baaqi kusii ahaado sanado badan ayaa si rasmi ah qalinka heshiis cusub ugu duugay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daafaca reer Slovakia Martin Skrtel oo horey u go'aansay inuu garoonka Anfield baaqi kusii ahaado sanado badan ayaa si rasmi ah qalinka heshiis cusub ugu duugay.

Martin Skrtel oo muhiim u ah kooxda Liverpool ayaa qalinka ku duugay sedex sano oo dheeri ah wuxuuna laacibkan ku qancay qorshaha cusub iyo qandaraaska wanaagsan oo ay maamulka Reds usoo bandhigeen.


Skrtel xili cayaareedkii dhawaa 2014/15 wuxuu kooxdiisa Liverpool u saftay 48-kulan dhamaan tartamada kala duwan haatana waxaa la filaa inuu door muhiim ah Reds ku yeesho madaama Steven Gerrard uu kooxdan isaga tagay.

30-jirkan waaya araga ah ayaa ku faraxsan in mustaqbalkiisa cayaareed uu haatan meel u dhacay wuxuuna yiri "Aadban ugu faraxsanahay inaan Anfield sanado badan sii joogi doono madaama aan heshiis cusub qalinka ku duugayā€¯

Sidoo kale Liverpool ayaa dhankeeda ku tilmaantay heshiiskan mid muhiim ah una suura galin karo kooxdan inay waji wanaagsna ku furto xili cayaareedka cusub 2015/16.

Skrtel ayaa Liverpool u saftay 293-kulan tan iyo markii uu sanadii 2008 garoonka Anfield yimid wuxuuna xidigan xiligaas isaga soo hayaamay naadiga Zenit St-Petersburg wuxuuna haatan Liverpool ka tirsan 7-sano iyo bar.




Contact@afkashacabka.com