Xidiga Kooxda Chelsea Miliyadiisa Leedahay Marco van Ginkel Ayaa Ku Biiray Naadiga Stoke City

0
Saturday July 11, 2015 - 09:17:15 in
  • Visits: 953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidiga Kooxda Chelsea Miliyadiisa Leedahay Marco van Ginkel Ayaa Ku Biiray Naadiga Stoke City

    London(AFKA)Marco van Ginkel dhawaan ayuu Chelsea kusoo laabtay kadib markii uu soo dhameestay 12-bilood ee uu qaab amaah kula joogay naadiga AC Milan.Kooxda Milan ayaa ku guul dareesatay inay laacibkan khadka dhexe ka cayaaro uu lasii joogo madaama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(AFKA)Marco van Ginkel dhawaan ayuu Chelsea kusoo laabtay kadib markii uu soo dhameestay 12-bilood ee uu qaab amaah kula joogay naadiga AC Milan.Kooxda Milan ayaa ku guul dareesatay inay laacibkan khadka dhexe ka cayaaro uu lasii joogo madaama Chelsea qorshaheeda ahayn inay Van Ginkel si toos ah isaga iibiso.


Sidaa darteed laacibka reer Holland Marco van Ginkel waxaa qaab amaah ah lagu siiyay kooxda Stoke City wuxuuna kooxdan cusub la joogi doonaa mudo 12-bilood oo amaah ah.

Marco van Ginkel sanadii 2013 ayuu naadiga Chelsea kaga soo biiray kooxda Vitesse Arnhem ee ka dhisan dalka Turkiga.

Balse kaliya 4-kulan oo heer caalami ah ayuu Blues xidigan u saftay waxaana xili cayaareedkiisii ugu horeeyay soo gaaray dhaawac halis ah oo dhanka jilibka ka asiibay.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in qorshaha Chelsea uu yahay inay naadiga Stoke City ka hesho goolhaye Asmir Begovi si uu booska Petr Cech oo Arsenal ku biiray u buuxiyo.

Sidaa darteed Stoke City waxaa lala cayaaray kubad caqli ku dheehan haatana ma diidi karaan inay Asmir Begovi ku biiro Chelsea marba hadii amaah lagu siiyay xidiga tayada wanaagsan ee khadka dhexe ku haboon Marco van Ginkel.





Contact@afkashacabka.com