Madaxweynaha Puntland Oo Afur U Sameeyay Arday Ku Tartamaysay Qur'aanka Kariimka Ah + Sawiro

0
Sunday July 12, 2015 - 13:17:26 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Afur U Sameeyay Arday Ku Tartamaysay Qur'aanka Kariimka Ah + Sawiro

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa afur iyo casho sharaf ugu sameeyey Rugsan Hotel ardaydii ku tartantay akhriska Qur'aanka Kariimka ah ee Gobolada Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa afur iyo casho sharaf ugu sameeyey Rugsan Hotel ardaydii ku tartantay akhriska Qur'aanka Kariimka ah ee Gobolada Puntland.

Kulankaasi afurka iyo cashasharafta ahaa ayaa Wasiirka Cadaaladda , Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac uu madaxweynaha Puntland u wakiishay in uu ardaydaasi kala qeyb-galo.


Dhammaan Tartamayaashi isaga kala yimi Gobolada Puntland ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey sida uu ugarab taaganyahay, isalamarkaana dhiirigelinta ugu muujinayo, waxaana ay tilmaameen in dadaalka ay wadaan sii laba jibaarayaan.

 


Wasiirka Cadaaladda , Diinta iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo khudbad kooban ka jeediyey madashii afurka ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay ka qeyb-kala munaasibaddani , isagoona madaxweynaha uga mahadceliyey sida uu mar walba u garab taaganyahay da'yarta soo koraysa ee indhaha u ah bulshada Soomaaliyeed.



Shalay ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ardaydaan u soo gebagebeeyey tartanka Qur'aan akhriska Gobolada Puntland, welibana uu ufideyey casuumadani maanta loo sameeyey ardayda iyo macalimiintooda.



Contact@afkashacabka.com