War Deg Deg Ah:Iska-horimaad culus Oo Ka Socda Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

0
Sunday July 12, 2015 - 14:50:31 in by Burco Office
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Iska-horimaad culus Oo Ka Socda Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose

    Iska-horimaad Culus oo u dhexeeya Ciidammo kawada tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka socda bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose, inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska-horimaadkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska-horimaad Culus oo u dhexeeya Ciidammo kawada tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka socda bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose, inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska-horimaadkaas.


Goobjoogayaal ku sugan degmada Kismaayo ayaa u sheegay HOL in rasaas badan ay ka dhacayso gudaha xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka KMG Jubbaland.

"Askari ka tirsan ciidamada maamulka ayaa Qori ka qaaday Askari ka tirsan kuwa Nabad-sugidda maamulka, kaddibna wuxuu galay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halkaas oo ay ku weerareen ciidamada Nabadsugidda oo uu qori ka maqnaa, welina rasaastu way dhacaysaa,” ayuu yiri goobjooge la hadlay HOL oo ku sugan Kismaayo.

Sidoo kale, Goobjoogaha ayaa xusay in xaaladdu ay aad u kacsan tahay dagaalkuna uu ka socdo xaafadda Calanley oo ku taalla bartamaha Kismaayo, cid gurigeeda ka bixi kartana aysan jirin.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaan weli ka hadlin iska-horimaadka u dhexeeya Ciidamada maamulkaas kawada tirsan ee uu dagaalku ku dhexmarayo Kismaayo, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo iska-horimaadyo noocan oo kale ah ay Kismaayo ku dhexmaraan ciidammo kawada tirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu ku maqan yahay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, halkaasoo uu kula kulmi doono madaxweynaha Puntland. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Mas'uuliyiinta maamulkaas.

Wixii Warar Ka Soo Kordha Kal Soco Afkashacabka.com