Daawo Afkashacabka Tv;Dhalinyaro Urur Samafala Kaga Dhawaaqay Magaaladda London Oo La Magac Baxay Table7 +Sawiro

0
Sunday July 12, 2015 - 15:31:46 in by Burco Office
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Afkashacabka Tv;Dhalinyaro Urur Samafala Kaga Dhawaaqay Magaaladda London Oo La Magac Baxay Table7 +Sawiro

    London (AFKA) – Waxa xalayto kulan isugu yimid qaar ka mid ah dhalinayrada ee London oo ku midoobay urur samafal oo caawin doona dadka baahan ee ku nool Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (AFKA) – Waxa xalayto kulan isugu yimid qaar ka mid ah dhalinayrada ee London oo ku midoobay urur samafal oo caawin doona dadka baahan ee ku nool Somaliland.


Table 7 Waa dhalinyaro saaxiibaa oo ku nool magaaladda London iyo agagaarkeeda,waa akhyaar mudo badan is yaqaanay ka dib waxa ay go’aan ku gaadheen in ay shacabka wax u qabtaan ka dib markii ay dalkii hooyo tageen ee ay kusoo arkeen baahida ka jirta in ay wixii ay qaban karaan ka qabtaan dalka.

Dhalinyaradan oo aan wax shaqo ah ku lahayn siyaasad waxa ay ku midoobeen urur si ay caawimo dadka dalkii jooga u gaadhsiiyaan.Kulankooda waxa go’aan lagu gaadhay in la magacaabo gudi ka kooban 5 xubnood oo arinka dar-dar galiya waxayna bishan Ramadaanta ay lacag ugu deeqeen qaar ka mid ah dadka dalkii ku dhibaateysan. Dhinaca kale waxa ururkani uu ka dhisan yahay oo kale Somaliland oo xubno kale oo Table 7 ay joogaan Somaliland.Waxay Ururkani BAAQ u dirayaa dhamaan shacabka reer Somaliland iyo cidii jecel inay caawimo gaadhsiiso dadka tabaaleysay inay lasoo xidhiidhaan.

Daawo Muqaalkan sida shirku u dhacay.

IMG_0109IMG_0101IMG_0100IMG_0099IMG_0092