Xoghayaha Madaxweynaha Oo Martiqaad Isugu Keenay Qaar Kamid Ah Safiirada Somaliland U Fadhiya Dhawr Waddan.+Sawiro

0
Sunday July 12, 2015 - 20:06:22 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Madaxweynaha Oo Martiqaad Isugu Keenay Qaar Kamid Ah Safiirada Somaliland U Fadhiya Dhawr Waddan.+Sawiro

    Xoghayaha Madaxweynaha Somaliland, Mud. Cali Axmed Cali ayaa martiqaad u sameeyay xubno kamid ah Safiirada uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan xilalka u magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Madaxweynaha Somaliland, Mud. Cali Axmed Cali ayaa martiqaad u sameeyay xubno kamid ah Safiirada uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan xilalka u magacaabay.

Wakiiladan marti qaadka lagu maamusay, oo kala aha Safiirada Somaliland u fadhiya waddamada Kenya, Imaraadka Carabta Iyo Shiinaha. Casuumadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay, Masuuliyiin badan oo ay kamid ahayeen Wasiir ku-xigeenka Arrimaha debadda, Afhayeenka Madaxtooyada, Mareeyaha Tv-ga Qaranka iyo ku-xigeenkiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Xildhibaan Cali Mareexaan.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Axmed Saleebaan Dhuxul oo ka hadlay kulankaas ayaa ka war bixiyay higsiga qaranka Somaliland iyo waxyaabihii u qabsoomay, sidoo kale wuxuu si adag u duray dhawaaqyada ka soo yeedha Xisbiyada Mucaaridka, isagoo sheegay in aanay waxba dhacayn haddii alle idmo marka la gaadho 27-bishan aynu ku jirno.

Wasiir ku- xigeenka Wasaaradda arrimaha debadda Mud. Axmed Kayse Guray oo isna kulankaas ka hadlay ayaa faah faahiyay doorka Safiirada Somaliland ku leeyihiin ka midho dhalinta Qadiyadda qaranka. Sidoo kale wuxuu ammanay masuuliyiinta uu Madaxweynuhu xilalkaas u xushay, isagoo u mahad celiyay Xoghayaha Madaxweynaha Mud. Cali Axmed Cali oo isagu kulankaas isugu keenay masuuliyiinta.

Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa isaguna kamid aha Madaxdii kulankaas hadalada ka jeediyay, isagoo ka shekeeyay Xildhibaanku talabooyinkii horumarineed ee Jamhuuriyadda Somaliland ku soo talaabsatay, wuxuuna kula dardaarmay Wakiilada Somaliland inay siweyn xooga u saraan sidii Somaliland saxiibo wax ku ool ah ugu yeelan lahayd dalalka loo magacaabay.




Contact@afkashacabka.com