Markab Siday Xoolo Isugu Jiray Lo Iyo Adhi Ayaa Maanta Ku Dagay Xeebaha Wadanka Cumaan Kadib Markii Uu Ka Goostay Dakada Magaalada Boosaaso

0
Sunday July 12, 2015 - 20:18:46 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab Siday Xoolo Isugu Jiray Lo Iyo Adhi Ayaa Maanta Ku Dagay Xeebaha Wadanka Cumaan Kadib Markii Uu Ka Goostay Dakada Magaalada Boosaaso

    Markab Siday Xoolo Isugu Jiray Lo Iyo Adhi Ayaa Maanta Ku Dagay Xeebaha Wadanka Cumaan Kadib Markii Uu Ka Goostay Dakada Magaalada Boosaaso Markab siday 2897 neef oo lo ah iyo 8333 neef oo ari ah oo ka ambabaxay dekeda Magaalada Boosaaso ayaa la she

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markab Siday Xoolo Isugu Jiray Lo Iyo Adhi Ayaa Maanta Ku Dagay Xeebaha Wadanka Cumaan Kadib Markii Uu Ka Goostay Dakada Magaalada Boosaaso Markab siday 2897 neef oo lo ah iyo 8333 neef oo ari ah oo ka ambabaxay dekeda Magaalada Boosaaso ayaa la sheegayaa in uu ku degay xeebaha bari ee dalka Cumaan kadib markii ay ku dhufteen mowjado dabaylo ah oo xeebahaasi ka jiray waxaana markabka oo u rarnaa ganacsato reer Puntland uu ka dhaqaaqay Dekeda Magaalada Boosaaso 7-dii bishaan aan ku jirno.

Barkabka oo lagu macaabo ALbaraka 2 ayna la hayd shirgada Aljaabiri ayaa waxaa uu ku sii jeeday Magaalada Dubia waxaana sidookale saarnaa 30 shaqaale ah oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kuwaas oo inta badan la badbaadiyey Marka laga reebo labo ruux oo la waayey.

Taliyaha Dekeda Magaalada Boosaaso Maxamed Cali Xaashi oo u waramay raxanreeb ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay markaasi waxaana uu sheegay in dhammaan xoolihii saarnaa ay ku le,deen hase ahaatee ay bad qabaan 30 shaqaale ah oo markabka saarnaa kuwaas oo ay badbaadiyeen maraakiib xeebaha ku sugnayd.

Taliyaha ayaa ugu baaqay Ganacsata Reer Puntland in ay ka taxadaraan dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayna xoolaha saartaan markiib ay tayadoodu wanaagsan iyadoo markabka uu ahaa mid gaboobay sida uu sheegay taliyuhu waana khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara ganacsatada Puntland ee xoolaha ka ganacsata.


Contact@afkashacabka.com