Barlamaanka Maamulka Puntland Oo Fadhigoodi Maanta Soo Saaray Shan Qodob OO Halis Ku Ah Dawlada Somalia

0
Sunday July 12, 2015 - 20:30:37 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barlamaanka Maamulka Puntland Oo Fadhigoodi Maanta Soo Saaray Shan Qodob OO Halis Ku Ah Dawlada Somalia

    Baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta soo gabo gabeeyay ka doodista Khilaafaadka soo noq noda ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntiland , iyo go'aanka ay Puntiland ka qaadaneyso Guddiyo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta soo gabo gabeeyay ka doodista Khilaafaadka soo noq noda ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntiland , iyo go'aanka ay Puntiland ka qaadaneyso Guddiyo ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka. Dooda Baarlamaanka Puntiland oo bilaabatay isbuucii hore ayay kaga doodeen Xildhibaanada arimo dhoor ah ay kamid tahay in Maamulka Puntiland lasii shaeeeyo Dowlada Federaalka Soomaaliya, Wax ka bedelka dastuurka dowladda federaalka, Guddiga xuduuda maamulada federaalka iyo qodobo kale.

Baarlamaanka Puntiland ayaana ugu dambeyn isku raacay shan qodob oo kala ah

1- Baarlamaanka Puntland wuxuu go,aan ku gaaray in dastuurka 6-da saxiix leh iyo xoghayaha guud ee QM oo maqraati ka ahaa uu yahay dastuurka rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aysan sharci ahayn.

2- Baarlamaanka Puntland wuxuu go,aan ku gaaray in xeerarka baarlamaanka federalku ansixiyey ee aan laga tashan dowlada Puntland insan sharci ahayn xeerarkaasi kana shaqayn karin dhulka Puntland iyadoo loo raacayo qodobka 111 ee dastuurka .

3- Baarlamaanka Puntland wuxuu go,aan ku gaaray inaysan sharci ahayn sadexda Guddi ee soo socda:-
A-Gudiga dib u eegista dastuurka dowladda federalka.
B-Gudiga Doorashooyinka.
C-Gudiga Xuduudaha iyo Arimaha Federalka.

4- Baarlamaanka Puntland wuxuu Go,aan ku gaaray in dhismaha dowlad Gobaleed aan waafaqsanayn dastuurka federalka qodobka 50-aad farqadiisa lixaad oo ah labo gobalka iyo wixii ka badan aysan Puntland aqoon sanayn.

5- Baarlamaanka Puntland wuxuu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga bisha october hadii dowladda federalka ku adkaysato wax ka badalka dastuurka iyo hishiisyada la galay Baarlamaanka Dowladda Puntland wuxuu go,aan ka gaari doonaa sii wada shaqaynta dowladda federalka.


Contact@afkashacabka.com