Toban Qof Oo Ku Dhimatay Diyaarado Dagaal Oo Maanta Duqaymo Ka Geystay Xuduuda Somaliya Iyo Kenya

0
Monday July 13, 2015 - 13:28:58 in by Burco Office
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toban Qof Oo Ku Dhimatay Diyaarado Dagaal Oo Maanta Duqaymo Ka Geystay Xuduuda Somaliya Iyo Kenya

    Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay duqeymo ay maanta ka geysteen diyaaradaha dagaalka ee Kenya duleedka degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay duqeymo ay maanta ka geysteen diyaaradaha dagaalka ee Kenya duleedka degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gobolka Gedo.


Deegaannada ay diyaaraduhu duqeeyeen ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ay ku noolaayeen reer guuraa xoolo dhaqato ah, waxaana deegaanka la duqeeyay lagu magacaabaa Laan-Qurac.

Nabaddoon Idiris Aadan Nuur ayaa u sheegay Warbaahinta in diyaaradaha dagaalka Kenya ay laayeen dadkii reer miyiga ahaa oo ku noolaa deegaannada ay diyaaradaha Kenya duqeeyeen.

"Waxaa ku jiray dadka ku dhintay duqeynta ay Kenya geysatay Maanta Carruur ku jiray dugsi Qur’aan oo ay diinta ku baranayeen, "ayu yiri Nabaddoon Idiris Aadan oo Warbaahinta uga Warbixinayay khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay ahaayeen kuwo bartilmaameedsanayay xoogag ka tirsan Al-shabaab oo Weerarro ka geystay Deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Ugu dambeyn, diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa horay duqeymo ay dad rayid ah iyo xoolo ugu dhinteen ugu geystay Gobollada Jubbooyinka & Gedo, iyadoo ay sheegaan saraakiisha Kenya inay beegsadeen saldhigyo ay lahayd Al-shabaab.