Puntland oo Xeryo Cusub u Dhisaysa Qaxootiga Yemen ee kasoo Qul-qulaya Magaalada Boosaaso

0
Monday July 13, 2015 - 16:50:09 in by Burco Office
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Xeryo Cusub u Dhisaysa Qaxootiga Yemen ee kasoo Qul-qulaya Magaalada Boosaaso

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in gudaha Puntland laga hirgalin doono seddex xero oo lagu tala-galay in la dajiyo boqolaal kamid ah dadka ka soo barakacay colaadaha Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in gudaha Puntland laga hirgalin doono seddex xero oo lagu tala-galay in la dajiyo boqolaal kamid ah dadka ka soo barakacay colaadaha Yemen.


Hadalkan ayuu Wasiirku ka sheegay munaasabad is-dhex-galah oo ka dhacday Garoowe, taasi oo ay ku kulmayeen laamaha gurmadka qaxootiga Yemen iyo wakiilo ka socday barakacayaasha gobolka Nugaal.

"Safarkii aan dhawaan ku tagnay Nairobi Anaga iyo UNHCR waxaan isla garannay qorshe lagu dhisayo xarumo cusub oo lagu daryeelo dadka qaxootiga ah " ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay munaasbadda.

"Qorshaha kale isna ka wada hadalnay waxaa kamid aha sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa qoysaska danyarta ah ee halkan ku soo barkacay " ayuu mar kale yiri wasiir Karaash oo tilmaamay in Puntland ay soo dhaweynayso walaalaha Soomaaliyeed ee ka soo qaxaya Yemen.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Xeryahan aan laga dhisi doonin Magaalada Boosaaso oo kaliya, isagoo intaas ku daray in Hadda uu socdo kulammo looga Tashanayo Halkii laga Hir-galin lahaa Xeryahaas, iyadoo laga Dayrinayo Xaaladda Boosaaso Maadaama ay tahay magaalo kulul.

Ugu danbayn,tan iyo intii ay dagaaladu ka bilowdeen Yemen waxaa gudaha Puntland soo gaaray Qaxootiga lagu qiyaasay 25,000-qof oo isugu jiray Somalia & Yaminiyiin, kuwaas Qaarkood lagu xareeyay xeryo qaxooti oo ku yaala magaalada Bosaaso.