"Wixii maanta ka dambeeya Mushaarka Shaqaalaha Dowladdu joogto ayuu Noqonayaa"Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somalia,

0
Monday July 13, 2015 - 18:57:59 in by Burco Office
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wixii maanta ka dambeeya Mushaarka Shaqaalaha Dowladdu joogto ayuu Noqonayaa"Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somalia,

    Muqdisho(AFKA)Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somalia, Maxamud Xayir Ibraahim iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ayaa maanta booqday Bangiga Dhexeoo ay ka socotay bixinta mushaarka shaqaalaha rayidka ah ee dowladd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somalia, Maxamud Xayir Ibraahim iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ayaa maanta booqday Bangiga Dhexeoo ay ka socotay bixinta mushaarka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, waxayna kormeer kusoo sameeyeen qaaybaha kala duwan ee Bangiga.

 

Shaqaalaha Dowladda ayaa Safaf dhaa-dheer ugu jiray Qaadashada Mushaarka, si ay ula ciidaan qoysaskooda, waxaana dowladdu dadaal ugu jirtaa sidii wixii hadda ka dambeeya ay shaqaalaha dowladda mushaarkooda u joogtayn lahayd.

"Runtii xanuun weyn ayeey nagu haysay in shaqaalaha dowladu aysan mushaar qaadan afar bilood ee u dambaysay, waana mid aan la qaybsanayno shaqaalaha iyo qoysaskooda. Waxaana arinkaan sababay Miisaaniyadii la qoondeeyey 49% oo laga sugayey dibadda ayaan soo xaroon, waxaana dowladu ku khasbanaatay in loo beekhaamiyo dhaqaalahasoo xarooda adkaynta amniga iyo tasiilaadka ciidamada kala duwan ee qalabka sida. ayuu yiri Wasiir Xayir oo dhanka kale xusay in dakhliga guduhu kordhay, balse taa macnaheedu maahan in ay dabooli karto baahiya jira,” ayuu yiri wasiir Xarir.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dhibaatada kale oo soo wajahday in mushaaraadka dib u dhacaan ay sabab u tahay Bangiga Adduunka oo mushaaradka kaabi jiray, laakiinse laga soo billaabo bishii Maarso ee sannadkan uu dib u dhac ku yimid kaddib markii uu dhamaaday heshiiskii halka sano ahaa.

"Nasiib-wanaag waxaan ku guulaysanay bishaan bilowgeeda in aan la saxiixano heshiis kale oo shan sano ah Bangiga Aduunka, kaasoo lagu kabayo musaaraadka shaqaalaha rayidka ah. Dowladdu waxay dadaal u gashay in mushaaradku aysan hada ka dib kal go’ayn, lana bixinayo dhamaan bilihii la soo dhaafay mushaaradka shaqaalaha rayidka ah ka maqan. Waxaana isku dayaynaa in bishaan gudaheeda aan bixino labo bilood oo kala ah Maarso iyo Abriil," ayuu mar kale yiri Wasiirku.

Uga dambeyn, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa isaguna uga Mahadceliyey shaqaalaha Dowladda Adkaysiga ay muujiyeen iyo sida ay ugu Dhabar-adeeygeen Dhibaatooyinka mushaar la’aaneed ee soo maray. wuxuuna sidoo kale sheegay in mushaaraadka ciidamada dowladda isna si dhaqso ah lagu billaabi doono. 



Contact@afkashacabka.com