Wasiirka Madaxtooyada Oo Iska Fogeeyey Inuu Faro-Galin Ku Hayo Golaha Wakiilada, Sharaxeyna Weedho Suuqa si weyn u galay oo uu ka jeediyey Shirkii Liverpool.

0
Monday February 10, 2014 - 15:17:59 in
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Oo Iska Fogeeyey Inuu Faro-Galin Ku Hayo Golaha Wakiilada, Sharaxeyna Weedho Suuqa si weyn u galay oo uu ka jeediyey Shirkii Liverpool.

    Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumadda ka leexiyey eedaymo ah inay farogalin ku hayso Golaha Wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.xasan
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumadda ka leexiyey eedaymo ah inay farogalin ku hayso Golaha Wakiilada


Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumadda ka leexiyey eedaymo ah inay farogalin ku hayso Golaha Wakiilada iyo inay lacago u qaybiyeen xildhibaanada Golahaasi, si ay xilka uga tuuraan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Wasiir Xirsi, oo Wareysi kooban siiyey Telefiishanka HCTV, ayaa sidoo kale sharaxay Macnaha weedho Mucaaradku si kale u turjumay, kuwaasi oo uu kaga tiraabay Magaalada Liverpool toddobaadkii hore.

 

 

Wasiirka oo ka hadlaya Madax-banaanida Golaha Wakiilada iyo inay faro-galin ku sameeyeen ayaa yidhi "Gole Madax-banaan, waa golihii Baarlamaanka, dalku sharciyad ayuu leeyahay, Golaha Baarlamaankuna wuu u Madax-banaan yahay sharciyaddiisa iyo shaqadiisa, annaguna shaqadayada waanu u madax-banaan nahay, wax faro galin ah (kumaan Samaynin) waadigaa Xafiiskayga iigu yimid (Wariyaha), mana tago, hawl kalana igama galin, shaqo kalena kama qaban”

 

 

 

Wasiirka Madaxtooyada oo la waydiiyey waxa uu uga jeediyay hadal uu ku sheegay in Sanka caano ka keeni doonaan shakshiyaad aanu carabaabin, balse Mucaaradku si kale u dhigeen ayaa isaga oo sharaxaya yidhi "Hanjabaadda ay sheegayaan, Hanjabaad may ahayn ee kaftan siyaasadeed ayay ahayd iyo Maahmaah aan ku tilmaamayey loolanka dhex mari doona xisbiga ee Mucaaradada isku diyaarinaya iyo xisbiga Kulmiye ee xukuumadda aan ku jiro, loolanka iyo lagdintuna waa wax saaxadda iyo xisbiyada siyaasadda furan, laakiin hadalkayga marnaba Sanadkaa goluhu caano ka keenayaa, hadalkayga kuma jirin..xaasha.., laakiin hadalku wuxuu ahaa Mucaaradow labadii nin ee lagmadamay kii awoodda is biday ayaa sanka caano ka keenay ee Mucaaradow markaynu tartanno sanka caano haka keenina, laakiin wa shaqsi ama golaha ku saabsan midna may ahayd”

 

 

 

Wasiirku wuxuu iska fogeeyay inay ku lug leeyihiin Mooshinno loo gudbiyey golaha Wakiilada "Annagu Mooshinnada mana saxeexno, shaqana kuma lihin, laakiin xildhibaannadu iyagaa u madax-banaan shaqadooda, laakiin waxaanu ku kalsoonahay oo golaha noo jooga xildhibaano konton ah, markaa annaga nooma baahna ee waxay u baahan yihiin in iyagu ay iskaashadaan oo ay Kulmiye iyo siyaasadda dawladda meel uga soo wada jeedsadaan, markaa waxay ku kacaan xildhibaanadayadu ee siyaasadda Kulmiye iyo siyaasadda Dawladda waafaqsan mushkilad maaha, noomay iman, war kama hayno, waxaanu ognahay in Guddoomiye ku xigeennadii Kulmiye ay taageerayaan oo ay leeyiyiin aynu 42 isugu geyno (Shir-guddoonka) intaas ayaanu ognahay, mana jirto Gole la inqilaabay, Gole aanu galnay iyo gole aanu dhib u geysanay midna ka jiro”

 

 





AFKASHACABKA.COM
HARGEYSA / SOMALILAND