Wasiirka Madaxtooyada oo laciiday Reer Laascaanood iyo khudbad qalbiga shacabkaas soo jiidatay oo uu u jeediyey+sawiro

0
Saturday July 18, 2015 - 07:35:23 in by salman abdi
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada oo laciiday Reer Laascaanood iyo khudbad qalbiga shacabkaas soo jiidatay oo uu u jeediyey+sawiro

    Wafti miisan culus oo u hoggaaminaayo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan, ayna Xubno ka yihiin Wasiirka Hawlaha Guud Mud. Cabdirisaaq Khaliid Axmed, Wasiir ku-xigeenka Cadaalada Cabdirashiid Garaad iyo xubno kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti miisan culus oo u hoggaaminaayo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan, ayna Xubno ka yihiin Wasiirka Hawlaha Guud Mud. Cabdirisaaq Khaliid Axmed, Wasiir ku-xigeenka Cadaalada Cabdirashiid Garaad iyo xubno kale.


11745837_397483613778660_1654241387170590760_n11755105_397483097112045_6710732860873917636_n11745837_397483613778660_1654241387170590760_n

Wasiirka Madaxtooyada oo saaladii Ciida la tukaday shacbiga Magaalada Laascanood, oo ciidani u ahayd mid ka duwan Ciidihii hore maadaama oo ay masuuliyiin culusi sannadkan la qaybsadeen farxada Ciidka, waxa hadal ka jeediyay goobti Salaada Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaji Xasan, wuxuu Wasiirku shacabka rer Sool guud ahaan Gaar ahaan Laascanood ku ammaanay siday u soo dhaweeyeen wax qabadka kaabayasha Bulsho ee Magaalada ka socda. Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada wuxu shacbiga Gobolkaas ku hogatusaleeyay inay nabad gelyadu wadato horumarka ay bulsho ahaan u bulsho ahaan u baahan yihiin.

11000639_397328800460808_4058617250682405107_n15794_397395187120836_1746080999134746541_n10386265_397402420453446_3227850487801239562_n11250206_397403420453346_1513878419310712031_n11745709_397402483786773_8166756139832202930_n11742826_397399367120418_3318604247765598730_n11745909_397395223787499_7802234211617595612_n11750678_397403387120016_8062193440425530905_n

Geesta kale wuxuu Wasiirka Madaxtooyaddu ugu bushaareeyay inay Xukuumad ahaan si laban laabayaan horumarinta guud ahaan dalka gaar ahaan Degaanada Sool.

11755105_397483097112045_6710732860873917636_n11000639_397328800460808_4058617250682405107_n

Markii Salaada laga soo dareeray, waxay waftigu kulamo kala duwan oo saacado dhaa dheer qaatay ay la yesheen qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolkaas, iyagoo la kulmay Madax dhaqameedka, Dhalinyaradda, Haweenka iyo qaybaha kale bulshada, kulanadaas oo laysku way daarsaday sidii Gobolka Sool iyo Laascanoodba loo gaadhsiinlaha Gobolada kale loona adkayn laha nabad gelyada Degaanka oo wax kasta ka horeysa, dhinacooda shacbiga Laascanood ayaa si weyn u majiirtay baaxada horumarka la taaban karo ee Magaalada ka hirgalay muddadii ay Xukuumadda Somaliland gacanta ku haysay, kuwaas oo isugu jira, Jaamacadaha, Madaarka, Wadooyinka, Iskuulo dhawaan qaarkood la dhagax dhigay oo ay ku baxayso Hal miyan oo Doolar, iyagoo sheegay inay arrimahaas oo dhami ku hirgaleen nabada ka aslaaxday, geesta kale waxay ballaan qadeen inay meel uga soo wada jeesan doonaan wixii kharbudaaya deganaanshaha Sool iyo Laascanoodba, Waftiga ayaa ilaa hadda ku sugan Magalaadaas.