Wasiirka Madaxtooyada oo Booqday Ciidamada Qaranka iyo Mashaariic waaweyn oo laga hirgeliyey Lascaanod+SAWIRO

0
Saturday July 18, 2015 - 07:35:23 in by salman abdi
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada oo Booqday Ciidamada Qaranka iyo Mashaariic waaweyn oo laga hirgeliyey Lascaanod+SAWIRO

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo hoggaaminaaya Wafti ku sugan Gobolka Sool ayaa booqday jiida hore ee Ciidamada Qaranka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo hoggaaminaaya Wafti ku sugan Gobolka Sool ayaa booqday jiida hore ee Ciidamada Qaranka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka iyo Waftiga uu hoggaaminaayo ayaa soo maray fadhiisimada kala duan ee Ciidanka Qaranku ku leeyihiin Xuduudka Somaliland la wadaagto dalka Somalia ee Gobolka Sool.

Waftiga ayaa salaan iyo xogwaraysi kooban la qaatay Sarakiisha Ciidamada iyo Cutubyada Qalabka sida, Xirsi Cali Xaji Xasan oo hadalo u jeediyay ayaa si weyn u ammaanay wadaniyada iyo Geesinimada Ciidanku ku caan baxay, isagoo u sheegay inay yihiin Geesiyaasha ay ku seexdaan guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale wuxuu Wasiirku illahay uga baryay inuu miisaanka xasanaadka ugu daro Ciidanka Qaranka gudashada Waajibaadka ay heeganka u yihiin iyagoo uga soo dheeraday caruurtooda iyo Xaaskooda xiliga Farxada Ciida lagu jiro, Geestooda Madaxda Ciidamada iyo cutubyada Qalabka sida ayaa niyad samaan ka muujiyay booqashada Waftiga iyo u kuur galida xaladooda. Waftiga ayaa Ciidamada guddoon siiyay deeqo isugu jira Xoolo loo qalo iyo xaqal ciid.. 


Dhinaca kale Waxay Xukuumadda Somaliland ka hirgalisay Magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool.Mashaariic si weyn u badalay quluubta shacbiga Gobolkaas

11403046_393973104129711_8604710428500968062_n11694862_393973224129699_5479864830927099307_n11703044_393972827463072_166825743530480552_n

Gobolka Sool oo kamid ah Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, ayay ka muuqatay dibudhac badani tan iyo intii Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeeda, waxaana Gobolka hadheeyay degenaansho la’aan ay sabab u ahayeen shakhsiyaad foodsare ka dhiganjiray qadiyado kala duwan, kuwaas oo kooxiba dhinaceeda u waxyeelayn jirtay horumar laga gaadho baahiyada bulshada degaankaas.

Muddooyinkii u danbeeyay gaar ahaan shanti sanno ee la soo dhaafay wuxuu Gobolka Sool ka soo kabanaayay caqabadahaas, Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ayaa Gobolka Sool gaar ahaan Caasimadda Laascanood waxay ka hirgalisay qodobo waxqabad oo si weyn u taabtay bulshada, Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan iyo wafti uu hoggaaminayo oo hadda ku sugan Gobolka, ayaa maanta kormeeray mashariicda ka socota Magaalada Laascanood kuwa cusubna bilaabay, dhismaha wadooyinka magaalada dhexdeeda oo aha caqabad weyn oo haysatay Laascanodo waxay Xukuumadda maal galisay wadooyin dhexmara kuwaas qaar kamid ah Maanta lagu bilaabay shubista jaygii iyo Daamurki, sidoo kale Wasiirka Madaxtooyadda ayaa dhagax dhigay wado kale oo cusub oo 1-KM ah, taas oo ay maal galinayso amarkeedana uu bixiyay Madaxweynaha Somaliland.

11219383_397482953778726_6094844857555351457_n11264858_397482893778732_2587554486714016620_n11168520_393973254129696_8164185366994004219_n

Sidoo kale Garioonki Diyaaraha Magaalada oo dhisme ku socda ayaa maanta lasoo gebo gabeeyay Carakaawadi, dhinaca kale waxay Waftigu maanta xadhiga ka jareen laba saldhig Boolis oo la dhamaystiray. Hore waxa magaalada looga hirgaliyay Jaamacada Nugaal oo baahi badan dabooshay iyo Xarumihii Dawladda ee Magaalada Laascanood oo dhismayaal cusub iyo dibu habayn lagu sameeyay.

Dhammaan qodobadaas oo ah kabayaasha bulshadu baahida xoogan u qabto ee laga hirgaliyay Gobolka Sool waxay bulshada ku dhaqan ku yeesheen saamayn toogan, waxaana suurto galiyay nabada ka aslaaxday degaankaas.


Contact@afkashacabka.com