"Waxaan idinkula dardaarmayaa Inaad sanadkan u guntataan Guusha Gobolkiina" Xildhiban Cabdilaki

0
Saturday July 18, 2015 - 08:35:06 in by salman abdi
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan idinkula dardaarmayaa Inaad sanadkan u guntataan Guusha Gobolkiina" Xildhiban Cabdilaki

    Xildhibaan Cabdilaki Xasan Oo Ka mid ah golaha Deegaanka Degmada burco ayaa mar Uu Ka Soo Qayb Galay Munaasibad lagu soo gunaanadaayey Tartan Ciyareed Ka Socday Qaar Ka Mid ah Garoomada Ciyaaraha Gobolka Waxa uu Baaq U Diray Dhalinyarada Ciyaaraha G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdilaki Xasan Oo Ka mid ah golaha Deegaanka Degmada burco ayaa mar Uu Ka Soo Qayb Galay Munaasibad lagu soo gunaanadaayey Tartan Ciyareed Ka Socday Qaar Ka Mid ah Garoomada Ciyaaraha Gobolka Waxa uu Baaq U Diray Dhalinyarada Ciyaaraha Gobolka Togdheer

Waxaana uu ugu Baaqay in ay isu diyaariyaan Tartanka ciyaaraha Gobolada Somaliland oo Markii Labaad ay Magaalada burco Marti-Galinayso 8 Gobol oo ka mid ah gobolada Somaliland in Lagu Ciyaaro Magaalada Burco, Waxaana uu xildhibaanku uu Dhalinyarada kula dardaarmay in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan isla Markaasina ay ku talo galaan Kuul u soo hoynta Gobolka Togdheer Xildhibaanka Oo Ka hadlaaya arimahaasi waxa uu Yidhi

"Waxaad ogtihiin In Koobkii Gobolada Somaliland lagu Qabanaayo Markii labaad magaalada Burco, Waxa la inooga Baahan yahay oo aan idiinku Baaqayaa dhalinyarooy in Aynu soo dhaweyno Tartankaas iyo ciyaar tooyada Ka qayb Galaaya, Waxaan Kaloo Ugu Baaqayaa dhamaan Dhalinyarada Gobolka Togdheer in aynu muujino kaalintii aynu ku lahaan Jirnay Ciyaaraha Wadanka, Kolay Naadiyada Gobolka ka jira oo dhami kama wada muuqan karaan cida u safanaysa Gobolka,In gaar ah oo kooban ayaa laynooga baahan yahay, Waxa muhiim ah inta ka qayb gasha ee nasiibku siiyo waa in aynu U Hambalyeynaa, Intii aan ka qaybgalina wey gaadhaysaa Insha allah” Xildhibaan Cabdi Laki Xasan oo hadalkiisa sii Wata ayaa waxa Uu Talo Iyo Guubaabin u soo Jeediyey Xubnaha Loo Xuli Doono in ay Gobolka Metelaan Waxaana uu yidhi "Waxaanu idinkula dardaarmaynaa hadii aanu Nahay madaxdii Gobolka Togdheer, Inaad sanadkan u guntadaan Gobolkiina Guushiisa, Waa in aynu tirtirnaa labadii sano ee hore ee aynu ka hadhnay tartanka gobolada, Insha allah waa in aynu soo celino Sharaftii aynu ku Lahayn Gudaha Dalka, Waxa aan leeyahay Inamada loo Xulo Tartankaasi waa in Ay Xil weyn iska Saaraan, Kolay qof walba waxa uu leeyahay Rabitaan Balse marka gobol Loo Ciyaarayo Waa in uu Qofku Rabitaankiisa ama Damaciisa uu ka horaysiiyaa Ta Caamka ah ee Ay ku xidhan Tahay sharafta Gobolkiisu” Ayuu Yidhi Xildhibaan CabdiLaki Xasan Nuur.

Xildhibaan Cabdilaki Xasan Nuur Oo Isagu ah Xildhibaanka Ugu Da,da Yar xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada burco ayaa isagu ah Shaqsi inta badan ka dhex muuqda saaxada guubaabinta iyo dhiiri galinta Da,yarta Gobolka Togdheer.vlcsnap-2015-07-16-22h47m47s132