Dawladda Hoose ee Burco oo Garoon labaad ka Dhistay Magaalada Burco iyo Xildhibaano Xadhiga ka jaray

0
Tuesday April 15, 2014 - 09:14:00 in by Super Admin
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Hoose ee Burco oo Garoon labaad ka Dhistay Magaalada Burco iyo Xildhibaano Xadhiga ka jaray

    Munasibad Ballaadhan Oo xadhiga lagaag jarayay Garoon cusub oo ay yeelen doonto Magalada Burco ayaa Lagu Qabtay Gudaha Gorankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munasibad Ballaadhan Oo xadhiga lagaag jarayay Garoon cusub oo ay yeelen doonto Magalada Burco ayaa Lagu Qabtay Gudaha Gorankaasi.


Munasabadani waxa kasoo qayb  galay maayirku xigeenka Dagmada Burco Md. Muxumad Xasan Xoday Qaar kamida Xildhibanada Golaha Degaanka Burco Odayaal ,Gudida Gorankaasi iyo marti sharaf kale.

Waxana Ugu horayn munaasibadaa lagu daah furaayey garoonka  ka hadlay xildhinaab c/rashiid Farax oo ku dheeraday Maraxilkii  Garoonka iyo Baahida keentay  in garoonkan cusub la hirgaliyo waxanuu yidhi "waxaan ku faraxsanahay in aan manta joogno garoonka cusub  oo aan ugu tallo galnay in dhalinyaradu ku ciyaarto oo u noqdo mid inaga maydha muragadii inasoo martay waxa kale oo aan manta gudida iyo ciyaartoydaba siinaynaa qalab ciyareed ay la kowsadaan garoonka cusub” ayu yidhi

 

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xidhbaan Mubarig Badhi ,Oday Xasan wayne oo lo yaqano {Geedka Nabada }  iyaga oo si wada jira ugu dheeraday kaalinta muga leh ee  garonkani cusubi uleeyahay Bulshada  iyaga oo ku dhiiri galiayay inay ka fogaadan aafada hadhaysay dhalinyarada ee ay ka kowda tahay qabyaladu.

Waxa munasabada soo afmeeray maayir ku xigeenka  Dagmada Burco Md.Muxumed Xasan  Xoday oo ka sheegay sababta ku kaliftay inay dhisaan garoonkan una mahadnaqay xildhibanada had iyo jeer uheelan sidii ay dhalinyarada u dhiiri galin lahayeen Waxanu yidhi " waxaan garoonkan ugu tallo galnay in dhalinyaradu ay ku ciyaraan oo ciyaraha goboladana ay ku ciyaraan  oo uu noqdo garoonka 2aad ee Burco,  waxaan halkan uga mahad celinayaa   xildhibanada xiiseeya Kubada oo ay kamid yihiin xildhibaan Mubaarig Bidhi,  Xildhbaan Cabdirashiid Farax  iyo xidhibaan Farxaan oo had iyo jeer ku heelan dhiiri galinta dhailnyarada dhinac walba” ayu yidhi Mr Xoday


 

Gabagabadii  waxa  lagudoonsiyay gudida garoonka cusub  iyo ciyaartoyda  Agab dhamays tiran  oo sports ah oo ay soo gaadhsiyeen jaaliyada  gobolka Togdheer ee Ku dhaqan waddanka Imaaratka kaaso ay ugu soo dhiibeen xildhibaan Cabdi rashiid , waana markii u horeysay Garoon noocan oo kale a ay magaalada  ka hirgaliso Dawlada Hoose ee Dagmada Burco




Afkashacabka.com/Burco Office

Contact@afkashacabka.com