Daawo Sawiro: Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Arday Kurdish Ah Oo Ku Sugnaa Wadanka Turkiga

0
Tuesday July 21, 2015 - 20:22:37 in by Burco Office
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawiro: Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Arday Kurdish Ah Oo Ku Sugnaa Wadanka Turkiga

    Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Arday Kurdish Ah Oo Ku Sugnaa Wadanka Turkiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Arday Kurdish Ah Oo Ku Sugnaa Wadanka Turkiga

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo Isniintii shalay lagu qaaday ardayda kurdida ee magaalada Suruç ee dalkaasi Turkiga.

Weerar-Kurdi-Turkiga-ISIS-3

 

Weerarkan ayaa ahaa midkii ugu xooga badnaa ee ka dhaca gudaha dalka Turkiga in muddo ah, waxaana si gaar ah loola beegsaday dadka Kurdida ah
 

Waxaa la tuhunsan yahay in weerarkan ay ka danbeyso kooxda ISIS, walow kooxdaasi aysan weli sheegan weerarkii shalay ka dhacay Suruç.

 

 

Weerar-Kurdi-Turkiga-ISIS-2

Shacabka Kurdida ah ayaa arrintan si weyn uga argagaxay waxayna bilaabeen xalay inay sameeyaan banaanbaxyo looga soo horjeedo weeraradan iyo waliba xukuumada Turkiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Tayyib Erdogan.

 

Weerar-Kurdi-Turkiga-ISIS-5

Mudaharaadka Kurdida ka dhigeen magaalada Istanbul ayaa waxaa ka dhashay rabshado iyadoo ciidamada Booliiska ay awood u adeegsadeen inay kala yaaciyaan dadkii banaanbaxaasi dhigayey.

Kurdida Turiga ayaa si weyn uga qeyb qaatay dagaalkii dhexmaray xoogaga Kurdida iyo ISIS oo muddo dheer ku dagaalamayey magaalada Kobani oo saaran xadka Siiriya la leeyahay wadanka Turkiga.
Weerarkii Isniinta ayaa la rumeysan yahay in kooxda ISIS ay uga aargudaneyso dadka Kurdida ah ee uu dagaalka ka dhaxeeyo. Balse Kurdida ayaa ku eedeenaya dowlada Turkiga inaysan wax weyn ka qaban weerarada lala beegsanayo halka qaarkood ayba ku eedeenayaan dowlada Turkiga inay gacansiiso ISIS.