Daawo:Muj Cali Gurey oo si kulul uga Hadlay Khilaafka mar kale ka curtay Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye iyo Saamaynta uu ku yeelan karo xaaladda Dalka

0
Wednesday July 22, 2015 - 11:07:10 in by salman abdi
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Muj Cali Gurey oo si kulul uga Hadlay Khilaafka mar kale ka curtay Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye iyo Saamaynta uu ku yeelan karo xaaladda Dalka

    Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Mujaahid Cali Yuusuf (Gurey), ayaa walaac xoogga ka muujiyey khilaafka murashaxnimada madaxweyne ee maal mahii ugu danbeeyey dib uga curtay xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Mujaahid Cali Yuusuf (Gurey), ayaa walaac xoogga ka muujiyey khilaafka murashaxnimada madaxweyne ee maal mahii ugu danbeeyey dib uga curtay xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye

, waxaana uu sheegay in khilaafka xisbiga Kulmiye uu yahay mushkiladaha illaa hada wadanku u dabran yahay, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay siddii xal loogu dooni lahaa khilaafka xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

Mujaahid Cali Gurey oo hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey talefeeshanka Star, ayaa waxaa uu sida oo kale sheegay in Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin aanay haba-yaraatee wax qeyb ah ku lahayn talada dalka isaga oo sida oo kalena iftiimiyey in khilaafka xisbiga Kulmiye uu sababi doono in ay dhalato siyaasiyiin cusub oo hoggaanka u qabta dalada xisbiga Kulmiye isla-mar-ahaantaana meesha laga saari doono Mujaahid Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Axmed.

 

"Anigu waan sheegay oo waxaan idhi haddii aad awrka Geella mar ku darto oo aad aragto in dhashiisu xun tahay mar labaad laguma darsado eā€™ awr kale ayaa loo doona. marka Kulmiye in la bedelo ayaa loo baahan yahay macal Xisbigiisa iyo Xukuumaddiisaba oo ay wax cusub iyo tallo cusub timmaado, waayo sidan lama sii ahaan karo. Runtii imika cid aad Kulmiye rasmi ah aad kala macaamisho garan maysid oo halkan waxaa jooga labadii Mujaahid ee jannanadayada ahaa oo aan hawl badan iyo wax badan laga weydiin tallada dalka hadana laga yaabo in ay isu haystaan in ay wax weyn ka yihiin tallada dalka, runtii waan ka xumahay kaalintii ay lahaayeen kamay qaadan in ay sixi karaan qaladaadka wadanka ka jira ama ay in uun noqdaan rag laga tallo qaato oo talada wax ku leh, waxna ku gooya tallada haddii kale se waxay ahayd in aanay dadka hodin ee ay meesha iskaga tagaan, waxaana aan maanta umalaynayaa in labadoodaba dibadda la dhigaayo oo Kulmiye cusub(New Kulmiye) samaysmi doono, Kulmiyaha cusubna waxaad arkayseen in ragii Udubta ahaa ay hada xukuumaddu qaadatay oo ay noqon doonaan Kulmiyaha cusub ee bedelaya ku wan.ā€.Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Gurey oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:"Illaa hada mushkilada wadanku u dabran yahay xaaladda Kulmiye qeyb ayaa ay ka tahay, waayo waxaa muran badan uu ka jiraa murashaxnimadooda haddii aad iyaga weydiiso mid waliba waxaa uu ku odhanayaa madaxweynaha ayaa noo sharaxan, hoos marka aad u weydiisana waxaa ay leeyihiin ma sharaxna, mid walbana waxaa uu ku odhanayaa aniga ayaa wata, marka Kulmiye waa mushkilad ka mid ah mushkiladaha aynu xalka u doonayno.ā€.

Mujaahid Cali Gurey ugu danbeyntii, waxaa uu tibaaxay in xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ay mar walba kaga baxayeen heshiisyadii ay ku xalinayeen khilaafka muddo kordhinta.

"Xukuumad iyo xisbiba, waar idinka ayaa dalkii xukuma ee soo taliya waad diideen. Dalku waa uu innaga dhaxeeya ee aynu wada-tashanona waad diideen, aynu kala tashana, marka annagu imika garan mayno waxaanu la soo marnay imika todobaadyadii ugu danbeeyey iyo xukuumaddiisu waxa ay ahayd ee aanu jilbaha qabsanay imika, in aanu jilbaha qabsano Guurtida ama in aanu isku dayno in aanu wax walba oo ay annaga nagu kalifaysaba bal sidii wax loogu heshiin kari lahaa aanu isku keeno, sidaanu ugu lisnay Kulmiye nooguma hambayn, xukuumadduna nooguma hambeyn, waxii aanu galnay waa ay ka been sheegeen, waxii aanu ku aaminayna waa ay na khiyaameeyeen, balankii ay nala galeena waa ay ka baxeen.ā€. Ayuu yidhi Cali Gurey.