Dr. Cumar Cilmi Dixood Oo Sadaaliyey In Kulmiye Taageerayaal Ku Waayo Habka Beelaysan Ee Uu Shirkiisa Ku Saleeyay Iyo Aragtida Mujaahid Jidhif

0
Tuesday April 29, 2014 - 11:41:32 in by salman abdi
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. Cumar Cilmi Dixood Oo Sadaaliyey In Kulmiye Taageerayaal Ku Waayo Habka Beelaysan Ee Uu Shirkiisa Ku Saleeyay Iyo Aragtida Mujaahid Jidhif

    La Taliyaha gaarka ah ee Madaxwaynaha Somaliland, Dr. Cumar Cilmi Dixood, ayaa soo bandhigay aragtidiisa la xidhiidha habka beelaysan ee xisbiga Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La Taliyaha gaarka ah ee Madaxwaynaha Somaliland, Dr. Cumar Cilmi Dixood, ayaa soo bandhigay aragtidiisa la xidhiidha habka beelaysan ee xisbiga Kulmiye

 u qaybiyey ergooyinka ka qayb-galay shirweynahiisa saddexaad ee Caasimadda Hargeysa ka socda.

 


Dr. Cumar Cilmi Dixood, oo shalay Wargeyska Somalilandtoday waydiiyey dareenkiisa ku aadan qabsoomida shirweynaha saddexaad ee xisbiga Kulmiye, ayaa ku jawaabay "Si Wanaagsan-baa loo soo abaabuley shiweynaha Kulmiye inkasta oo uu habsaamay, waxaanan filayaa niyadda wanaagsan ee dadka ka muuqata inay wax wanaagsan ka soo baxaan”

Dr. Dixood, oo la waydiiyey sida uu arko in Kulmiye uu beeleeyay ergooyinka shirweynaha, ayaa ku jawaabay "Ilama fiicna qudheyda, waanan ka xumahay, manaan fileyn, ugumanaan tallo-galin in reer wax lagu qaybsado, waxaana laga yaabaa inuu dad taageerayaal ah ku waayo, sababtu waxa weeye dadka markii hubka laga dhigayey, waxa hubka looga dhigay in qabyaaladda laga fogaado, bacdamaa oo uu shirku ku salaysan yahay reero ama beelo, waxaan filayaa in aanay dad badan jeclaysan doonin…”

Hasa-ahaatee, Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo isagana Wargeyska Somalilandtoday waydiiyey sida uu u arkayo in Kulmiye uu beeleeyay shirkiisa, ayaa ku jawaabay sidan "Dareenkagu wuu sareeyaa, waxaanan muhiimadda siinayaa sida nabadgalyada ah ee caafimaadka qabta ee wada jirka ah ee uu shirku u dhacay, waxna kama jiraan (In Kulmiye beello ka dhigay shirweynaha) kolba sida wax ku hagaagayaan ayaa wax loo qabanayaa, nidaamku shirku u dhacayna waan soo dhaweynaynayaa”


Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

contact@afkashacabka.com