Antonio Conte:"Garsooraha Ayaa Ku Caawiyay Benfica Inay U Gudubto Final-ka".

0
Friday May 02, 2014 - 09:38:17 in by salman abdi
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte:"Garsooraha Ayaa Ku Caawiyay Benfica Inay U Gudubto Final-ka".

    Tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte ayaa ka hadlay ka haritaankii ay ka hareen xalay Europa League oo si wayn loogu saadaalinaayay isagoo weeraray garsoorihii ciyaarta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte ayaa ka hadlay ka haritaankii ay ka hareen xalay Europa League oo si wayn loogu saadaalinaayay isagoo weeraray garsoorihii ciyaarta.

Conte ayaa sheegay in Juventus ay u qalantay inay u gudubto Final-ka lakiin garsooruhu uu ku caawiyay Benfica inay iska xaadiriso Finalka Europa League.

"Waxaa ceeb ah inaan Europa League uga harno qaabkaan, Benfica uma qalmin inay u gudubto Final-ka, lakiin garsooraha ayaa ku caawiyay midaas, weerar kasta oo aan qaadno ciyaartoyda Benfica way is tuurayeen garsooruhuna wuxuu u ogolaanayay in ladaaweeyo waqti aan ka yareyn 6 daqiiqo” ayuu u sheegay Conte Sky Italia.

 

"Juventus waxay soo bandhigtay wax kasta oo ay awooday ciyaartaan, lakiin Benfica ayaa nasiib u yeelatay inay u gudubto Final-ka”.

Conte ayaa ku soo gaba gabeeyaya "Waxaan aaminsanahay in Juventus ay soo bandhigtay wax walba, xili ciyaareed kan waa mid saamayn badan sidoo kale waa mid daal badan waayo waa markii ugu horaysay ee aan gaarnay meelaha ugu danbeeya ee tartamada yurub”.


Markasta iyo wakhti kasta lasaco shabakada Calamaiga ee Afkashacabka.com