Horu Marka Iyo Qabyaaladu Ma Yihiin Laba Meel Wada Gala… W/Q Mubaarig Cabdi Siyaad

0
Monday May 02, 2016 - 17:08:00 in by salman abdi
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horu Marka Iyo Qabyaaladu Ma Yihiin Laba Meel Wada Gala… W/Q Mubaarig Cabdi Siyaad

    Markasta oo uu kordho dakhliga soo xaaroodha waxaa kor u kacaa Gross income dakhtiga guud ee dalka ka soo baxaa markaa loo xisaabay GDP gross domestically product, oo ah xadiga guud ee dalku soo saaro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markasta oo uu kordho dakhliga soo xaaroodha waxaa kor u kacaa Gross income dakhtiga guud ee dalka ka soo baxaa markaa loo xisaabay GDP gross domestically product, oo ah xadiga guud ee dalku soo saaro.

 U malayn maayo in wax soo saar la’ aan ina hayso laakiin farsamo xumaa ayaa ina haysa, waynu garanaynaa hadan kuma dhaqmayno horumarna waa la doonaya wadadedina ma hayno. Isma qabanayso waxna waa doonay wadeedinaa ma maraayo, waa dhibta maanta dalkeena hortaagan ee ina curyaamisay waa musuqmaasuqa, qabyaalada iyo maamul xumo baahansan.

Masuul kasto meel oo dhibaa waxaan uu dhaqmayaa inuu isaga leeyahay marka waxaa uu bedelayaa shaqaaihii uu ka tagay masuulkii ka horeyay waxanu ku bedelayaa dad ay isku jufo yihiin intaa u xilkaa hayo waxaa uu u maamulayaa sidii ay reerkoodu u dhubteena xilkaas miyaanu ogayna in ummaddu wada leedahay miyaanu ogaynu wixii uu sameeya taarikhdu qoraysa oo aan dib dambe loo sharafayn. Maamuusna aanu yeelan doonin markuu xilka ka tago qof walba waxaa lagu maamuusa wixii qabtay, masuulkii si fican u hawl gala intu xilka hayo taarikhda qori doonta waana lagu xusi doona waxqabadkiisa, laakiin kuwa sida qaloocda u isticmaalay taariikhda xusi doonta

 

Waxaa uu maanta dalkeenu u baahanyahay nidaam kan ka duwan oo ay hagaan dhalinyaro wax soo baratay oo  qabyalaad ka saafi ahi hogaamiyaan markaas baynu halka aynu u socono gaadhayna,laakiinta in ay joogan qoladaan maanta hogaamiysaa wax badani is bedeli maayna horena loo socon mayo,

Qabyaaladu waa ta halkaas ina dhigtay ee dalkeena dib u dhigaysaa, qof walba oo aad arinta kala hadasha waa uu kula qaadanayaa laakiin kama go’aan in la joojiyo qabyadan, caruurtii soo koraysay baan isku faanaya anigu waxaan ahay reer hebal baana ah, marka ay caruurteeni sidaaa ugu dhaqmayaan waxaad u malaynaysaa dadka waaweyn.

Waa ayaan daro ka jirta dalkeena dadkii la doonayaa in ay ka sarana uma jeedaan, waxaa iman doona dhalinyaro aqoonyahay ah oo nidaamka curyaamiyay dalka ka saari doona mustaqbalka soo socoda.

Horumarku waa astaanta guusha iyo barwaaqo soorka, maxaaa sababay in ay dhalinyaradeenu u hajaarina Yurub, maxaay badahaa waaweyn iskugu bimaynaa.waa rajo la’aantii ka jirtay dalkeena(Somaliland) intaa kolba hogaaminta haysana iyagaa ka dhargaaya xoolihii umaddan lagu soo ururay (cashuurta danyarta laga soo qaado) markasa bay reerohoogi yurub u dirayaaa guryo qaali ahna uga dhisayaa.



W/Q Mubaarig Cabdi Siyaad