Antoine Griezmann Oo Qarka U Saaran Hanashada Kabta Dahabka Euro 2016 & Kala Sareynta Gooldhalinta Euro 2016

0
Friday July 08, 2016 - 10:04:18 in by Burco Office
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antoine Griezmann Oo Qarka U Saaran Hanashada Kabta Dahabka Euro 2016 & Kala Sareynta Gooldhalinta Euro 2016

    Antoine Griezmann ayaa hogaan seddex gool ah ku qabtay tartanka abaalmarinta Kabta Dahabka ee tartanka Euro 2016

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Antoine Griezmann ayaa hogaan seddex gool ah ku qabtay tartanka abaalmarinta Kabta Dahabka ee tartanka Euro 2016

 ka dib markii uu xalayto dhaliyay goolkiisii shanaad iyo lixaad iyadoo France ay 2-0 ku garaacday Germany islamarkaana ay gaartay finalka.

Weeraryahanka Atletico Madrid kaasoo rigoore qasaariyay kulankii finalka Champions League ee bishii May ayaa markaan rigoore gool u sarifay kulankii xalayto ka dhacay Marseille. Bartamihii qeybta labaad waxa uu dhaliyay goolkii labaad ee guusha u xaqiijiyay Les Bleus. Kaliya hal nin, Michel Platini oo sagaal gool dhaliyay koobkii 1984 ayaa dhaliyay gool ka badan hal tartan gudihiisa.

2389465_w1

Cristiano Ronaldo oo ka qeyb qaadanaya koobkiisii afaraad ee Qaramada Yurub ayaa barbareeyay rikoorkii Michel Platini isagoo Portugal u soo saaray finalka Euro 2016 habeenkii arbacada. Ronaldo ayaa hogaaminaya xeyn ciyaartoy ah oo seddex gool wada leh oo ay ku jiraan saaxiibkiisa Nani iyo labada xiddig ee France Oliver Giroud iyo Dimitri Payet.

Dhamaantood waxaa la filayaa inay ciyaaraan kulanka axada laakiin waxa ay qaadan doontaa in la dhaliyo seddexleey oo noqoneysa tii ugu horeysay ee Euro laga dhaliyay tan iyo markii uu David Villa ka dhaliyay 2008 si looga beeniyo Griezmann abaalmarinta Adidas Golden Boot.

Gool caawinta ayaa lagu kala saarayaa ciyaaryoyda isku goolasha noqda ka hor inta aan lagu kala saarin daqiiqadaha ay ciyaareen.

KALA SAREYNTA GOOLDHALINTA EURO 2016:

1Antoine Griezmann, France: 6 gool (2 caawin ,335 daqiiqadood ayuu ciyaaray)

2Cristiano Ronaldo, Portugal: 3 gool (3 caawin, 600 daqiiqadood)

3Olivier Giroud, France:3 gool (2 caawin,378 daqiiqadood)

4Dimitri Payet, France:3 gool (2 caawim, 446 daqiiqadood)

5Gareth Bale, Wales: 3 gool (1 caawin, 533 daqiiqadood)

6Nani, Portugal: 3 gool (1 caawin, 586 daqiiqadood)