Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Finalka Euro 2016 Ee Portugal v France: Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

0
Monday July 11, 2016 - 09:36:21 in by Burco Office
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Finalka Euro 2016 Ee Portugal v France: Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

    Xiddiga ku hungoobay Swansea City Eder ayaa noqday xiddigii koobka Euro 2016 gacanta u geliyay xulka Portugal kuwaasoo koobka ka qaaday xulka martigelinayay tartankaan ee France.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga ku hungoobay Swansea City Eder ayaa noqday xiddigii koobka Euro 2016 gacanta u geliyay xulka Portugal kuwaasoo koobka ka qaaday xulka martigelinayay tartankaan ee France.

Weeraryahanka ayaa shabaqa soo taabtay afar daqiiqo markii ay socotay qeybtii labad ee waqtiga dheeriga ah ee kulankii finalka, iyagoo guul 1-0 ah xaqiijistay xilli uu dhaawac kaga maqnaa Cristiano Ronaldo.

Xiddiga Real Madrid ayaa bareelo looga qaaday garoonka daqiiqadii 24aad ee ciyaarta markii ay isku dhaceen xiddiga France Dimitri Payet.

Euro-2016-Final-Portugal-v-France

Laakiin asxaabtiisa xulka ayaa dadaalay oo aamusiyay garoonka Stade de France iyagoo hantay koobkoodii ugu horeysay abid.

Hadaba kumaa ahaa xiddiga garoonka ciyaartii ugu danbeysay ee Euro 2016?

Portugal

PatrĂ­cio 9 (Xiddiga Garoonka)Waxa uu ahaa geesiga Portugal isagoo fursado badan oo xiriir ah ka beeniyay xulka France.

Soares 7Wuu dadaalay xalayto inkastoo uu jaale ku qaatay Payet.

Pepe 7Si weyn ayuu isku muujiyay laakiin garsoore Clattenburg kuma sirmin qiyaanooyinkiisa.

2-2016-Final-Portugal-v-France

Fonte 7 Daafaca Southampton ayaa difaacashadiisa iyo horay aadinkaasi uu ahaa mid fiican.

Guerreiro 8Koobkaan si weyn ayuu uga dhex muuqday, mar kalena shaqo fiican ayuu qabtay.

W Carvalho 7Ganaax ayuu ka soo laabtay si uu isagu dayo inuu ilaaliyo daafaca xulkiisa. Habeen mashquul ah ayaa soo maray.

Renato Sanches 6Mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Portugal ee tartankaan ayuu ahaa, laakiin xalayto sidii la rabay uma muuqanin.

3-2016-Final-Portugal-v-France

Adrien Silva 5 Waxaa la degay Sissoko, weerarkiisana saameyn ma laheyn.

Mario 5Kubad-heyntiisa waa ay fiicneyd laakiin waxa uu u muuqday mid lunsan markii Portugal ay cadaadis ku hoos jirtay.

Nani 7 Shaqo aad u fiican ayuu qabtay. Wuu orday, wax badana wuu isku dayay. Waxaa soo maray waqtiyo halis ah.

Ronaldo 5Niyadjab ayay u aheyd hogaamiyaha iyo kabtanka Portugal. Xilli hore ayaa ciyaarta dhaawac looga saaray laakiin oohintiisa mid farxadeed ayay isku bedeshay aakhirkii.

1-2016-Final-Portugal-v-France

Bedelada

Quaresma wuxuu bedelay Ronaldo daqiiqadii 24aad, qiimeyntiisa: 5

Moutinho wuxuu bedelay Adrien Silva daqiiqadii 65aad, qiimeyntiisa 6

Eder wuxuu bedelay Sanches daqiiqadii 79aad, qiimeyntiisa 7

France

Loris 5 Waxaa dib martay kubad uu meel dheer ka soo tuuray Eder, shaqo ka fiican intaas ayuu qaban karay.

Sagna 7Oohin ayuu ku baxay dhamaadkii. Qalbi jab ayay ku aheyd. Wuu adkaa ciyaarta oo dhan.

Koscielny 7Wuxuu ku ciyaarayay isagoo si xoogan uga duuban jilibka, qalbijab ayaana ku dhacay dhamaadkii.

4-2016-Final-Portugal-v-France

Umtiti 6Ciladiisa ayaa banaanka la soo dhigay dhamaadkii iyadoo Portugal ay weerar aheyd.

Evra 6Ciyaarta ka hor wuxuu sheegay in waayihiisa ciyaareed ee France uu noqon doono mid guuldarro ah haddii laga badiyo kulankaan.

Pogba 5Miyuu xaqiiqdii u qalmaa 100 milyan? Waa adag tahay in la sheego haddii lagu qiimeynayo kulankii xalayto.

Matuidi 6Tartanka si weyn ayuu uga dhex muuqday mar kalena khadka dhexe ayuu weerar ka soo qaadayay.

Sissoko 8Xiddigii ugu fiicnaa xulka France ciyaartii xalayto ayuu ahaa.

43o-2016-Final-Portugal-v-France

Griezmann 6Wuxuu qasaariyay fursad weyn xilli danbe oo ciyaarta ah. Waxaase sabarsiin u ah inuu ku guuleystay kabta dahabka.

Payet 5Wixii ugu weynaa ee uu u qabtay France ayaa aheyd inuu dhaawacay Ronaldo. Ciyaar niyadjab leh ayuu soo bandhigay xilli hore ayaana la bixiyay.

Giroud 6Hal kubad oo madax ah oo fiican ayaa laga badbaadiyay, xilli danbe oo ciyaarta ahna sidaas ayaa dhacday.

Bedelada

Coman wuxuu bedelay Payet daqiiqadii 58aad, qiimeyntiisa 6

Gignac wuxuu bedelay Giroud daqiiqadii 78aad, qiimeyntiisa 5

Martial wuxuu bedelay Sissoko daqiiqadii 110aad, qiimeyntiisa 6