Muqdisho:Shaqaalihii Dugsiga Turkey-ga Ee Nile Academy Oo Muqdisho Shandadohooda Ka Urursaday,Kadib Amarkii Dawlada Somaliya.

0
Friday July 22, 2016 - 16:35:12 in by salman abdi
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Shaqaalihii Dugsiga Turkey-ga Ee Nile Academy Oo Muqdisho Shandadohooda Ka Urursaday,Kadib Amarkii Dawlada Somaliya.

    Shaqaalihii dugsiga Nile Academy oo ah dugsi laga lee yahay dalkaasi Turkey-ga ayaa iskaga baxay magaalada Muqdisho ,kadib markii ay dawlada Somaliya amar ku siisay inay iskaga baxaan dalkaasi. Shaqaalahan ayaa ahaa kuwo ka shaqaynaayey xarumo caafi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalihii dugsiga Nile Academy oo ah dugsi laga lee yahay dalkaasi Turkey-ga ayaa iskaga baxay magaalada Muqdisho ,kadib markii ay dawlada Somaliya amar ku siisay inay iskaga baxaan dalkaasi. Shaqaalahan ayaa ahaa kuwo ka shaqaynaayey xarumo caafimaadka ah iyo sidoo kalena dugsigaasi waxbarasho,kaas oo uu lee yahay sida la sheegay wadaadka lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey inqilaabkii fashilmay ee dawlada Turkey-ga lala maaganaa.

Maalmihii ugu dambeeyey waxa lagu arkaayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho shaqaalahaasi oo ka dhoofaayey,iyada oo sidoo kalena albaabada loo laabay dugsigaasi iyo goobahaasi caafimaad ee ay gacanta ku hayeen.

Ninka Agaasimaha ka ahaa Cisbitaalka Deva ee Turkey-ga oo lagu magcaabo Dr Maxamd Al Perto ayaa sheegay in ay magaalada Muqdisho u yimaadeen caawinta dadka Somaliyeed,laakiin ay nasiib daro tahay in xarumohoodii caafimaad iyo waxbarasho la laabo,iyagana dalka laga saaro.

Dhanka kalena dawlada Somaliland ayaa go’aan kaasi ka duwan qaadatay ,iyada oo aan wax talaabo ah ka qaadin dugsigaasi oo Hargeysana ku leh farac ama qayb ,taas oo sideedii caadiga ahay u shaqaysa.