Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona Kulamada Spanish Super Cupka Ee Barcelona Vs Sevilla Oo La Shaaciyay

0
Friday August 05, 2016 - 10:28:43 in by Burco Office
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona Kulamada Spanish Super Cupka Ee Barcelona Vs Sevilla Oo La Shaaciyay

    Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada laba lugoodlaha ah ee kooxaha Sevilla iyo Barcelona ku dhex mari doona Ramon Sanchez Pizjuan Stadium iyo Camp Nou sida ay ukala horeeyaan ee kulamada Spanish Super Cupka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada laba lugoodlaha ah ee kooxaha Sevilla iyo Barcelona ku dhex mari doona Ramon Sanchez Pizjuan Stadium iyo Camp Nou sida ay ukala horeeyaan ee kulamada Spanish Super Cupka.

Kulanka lugta hore ee Spanish Super Cupka ayaa la ciyaari doonaaAugust 14wuxuuna kulanka lugta hore ka dhici doona aroonka kooxda Sevilla eeRamon Sanchez PizjuanStadium halkaAugust 17uu kulanka lugta labaad ka dhici doono garoonka Barcelona eeCamp Nou.Barcelona-vs-Sevilla3

Kulanka hore waxaa loo doortay in uu dhex dhexaadiyo garsooreJesús Gil Manzanohalka kulanka lugta labaad ee Camp Nou uu dhex dhexaadin doona garsooreAlejandro Jose Hernandez Hernandez. Kulankii ugu danbeeyay ee El-Clasica-da ee ay Barcelona garoonkeeda Camp Nou ay guuldaradu kaga soo gaadhay Real Madrid ayuu garsoore ka ahaaAlejandro Jose Hernandez Hernandez.

Barcelona ayaa kulamadan ciyaari doonta iyada oo ah kooxda ku soo guulasytay koobka horyaalka Spain ee La Ligaha halka Sevilla ay kulamadan ku ciyaari doonto maadaamo ay soo gadahay finalkii Copa Del Rey. Kulanka lugta hore ee Spanish Super Cupka ayaa la ciyaari lahaa August 12 balse Sevilla oo Real Madrid la ciyaarisa UEFA Super Cupka ayaa codsatay in dib loogu dhigo.

Barcelona ayaa bishii August 2015 koobka Spanish Super Cupka u wayday kooxda Athletic Bilao inkasta oo ay hore uga qaaday Copa Del Rey. Bilawgii xili ciyaareedkii hore Barcelona ayaa Sevilla ka qaaday koobka UEFA Super Cupka waxayna markale kulmi doonaan bilawga xili ciyaareedkan.