Kooxda Liverpool oo kabaha la dul martay Kooxda Barcelona

0
Sunday August 07, 2016 - 09:49:54 in by salman abdi
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Liverpool oo kabaha la dul martay Kooxda Barcelona

    Kooxda Liverpool ayaa 4-0 kaga adkaatay Barcelona oo ay xalay ciyaar ka tirsan koobka horyaallada caalamiga ah ku dhexmartay garoonka Wembley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Liverpool ayaa 4-0 kaga adkaatay Barcelona oo ay xalay ciyaar ka tirsan koobka horyaallada caalamiga ah ku dhexmartay garoonka Wembley.


Sadio Mane ayaa goolka koowaad u saxiixay Liverpool, kan labaadna waxa uu ahaa mid uu shabaqiisa ku saray Javier Mascherano, halka labada kalana ay kala dhaliyeen Divock Origi iyo Marko Grujic


Barcelona ayaa waxaa u dheelayay laacibiin ay ka mid yihiin Luis Suarez iyo Lionel Messi.

 

Liverpool ayaa waxaa dhaawac kaga maqnaa weeraryahankeeda Daniel Sturridge, halka uu garoonka dhaawac uga baxay James Milner, oo khadka dhexe uga dheela.

Ciyaarta ayaa waxaa usoo daawasho tegay 89,945 oo qof, taasoo ah tiradii labaad ee ugu badneyd abid ee garoonka Wembley soo xaadirta