Daawo Video: Wasiir Garaadka Arrimaha Bulshada iyo Guddomiye Faysal Cali Waraabe oo Hadalo Xanaf leh is weydaarsaday kadib xaflad uu Ururka SOLJA ku so wada casuumay masuliyiintan

0
Monday February 17, 2014 - 17:36:26 in by Super Admin
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Wasiir Garaadka Arrimaha Bulshada iyo Guddomiye Faysal Cali Waraabe oo Hadalo Xanaf leh is weydaarsaday kadib xaflad uu Ururka SOLJA ku so wada casuumay masuliyiintan

    "Faysalow Dibiga Hirdida Badan Reerkaygu Waxay Yidhaadaan…"Wasiir Garaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Faysalow Dibiga Hirdida Badan Reerkaygu Waxay Yidhaadaan…"Wasiir Garaad

Wasiir Garaadka Arrimaha Bulshada iyo Guddomiye Faysal Cali Waraabe oo Hadalo Xanaf leh is weydaarsaday kadib xaflad uu Ururka SOLJA ku so wada casuumay masuliyiintan

 


 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa maanta gacan qaad weerar ah ku qaaday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamud Axmed Barre Garaad ka dib markii ay isku tuur-tuureen hadalo siyaasadaysan oo ay ka jeediyeen xaflad Abaal marino lagu guddoonsiinayey koox Suxufiyiin ah.

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo si xun u weeraray Xukuumadda ayaa markii uu dhamaystay waxa hadal lidi ku ah faysal jeediyey wasiir Garaad kaas oo maahmaaho Reerkooda oo Beeralay ahi leeyihiin ugu maahmaahay " Dibiga Hirdida badiya Reer kayagu waxay yidhaahdaan madaxaa jaba” isagoo uga jeeday Faysalow dagaalka badan ee Xukuumadda madaxaa kugu

 

"Faysalow hadaad maalin walba hadasho dadku waxay odhanayaan waa kii Faysal wixiisiiye iska daaya”. Xanaaqa faysal ayaa cirka isku shareeray waxaanu galay madashii lagu soo martiqaaday Mucaarad iyo Muxaafadba buuq qaatay in muddo la kala lad-qabeeyo, iyadoo xafladdii isu badashay madal ay ku loolamaan labada Xisbi Mucaarad iyo wasiiradii xukuumadda ka socday oo kala ahaa Garaad iyo Cukuse

 



Afkashacabka.com
Hargeysa Somaliland