Hordhac: Hull City v Manchester United – Kooxdee La Gaadhsiin Doonaa Guuldaradii Ugu Horeysay Xagaagan EPL-ka

0
Saturday August 27, 2016 - 10:00:00 in by Burco Office
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Hull City v Manchester United – Kooxdee La Gaadhsiin Doonaa Guuldaradii Ugu Horeysay Xagaagan EPL-ka

    Hull City iyo Manchester United ayaa ka mid ah afar kooxood oo s 100% ah ku bilowday horyaalka Ingiriiska xagaagan markii ay guleysteen labadii kulan ee ay ciyaareen, balse mid kamid ah ayaa laga tuuri doonaa fooqa sare mana ka reebana iney isu dhina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hull City iyo Manchester United ayaa ka mid ah afar kooxood oo s 100% ah ku bilowday horyaalka Ingiriiska xagaagan markii ay guleysteen labadii kulan ee ay ciyaareen, balse mid kamid ah ayaa laga tuuri doonaa fooqa sare mana ka reebana iney isu dhinac dhacaan.


Man United si qurux badan ayey ku bilaabatay xagaagan iyadoo Mourinho uu ku raaxeystay laba guul oo aad u heer sareysa, markii uu dubtay Bournemouth Iyo Southampton, halka Hull City ay soo garaaceen Leicester City Iyo Swansea City.


Mike Phelan ayaa tababare kumeel gaar ah u ah Hull City waana caawiyihii Sir Alex Ferguson ee Manchester United intii u dhaxeysay September 2008 ilaa May 2013.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka:Hull City vs Manchester United

Tartanka:Premier League (Week 3)

Garoonka:KCOM Stadium

Saacadda:7:30 Fiidnimo (XGA)

Garsoore:Jon Moss (England)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Harry Maguire ayaa dib ugu soo laabtay Tigers kulankii ay EFL Cup ku dubteen Exeter, balse Phelan ayaa go’aan ka gaari doona hadii uu kusoo bilaabanayo ciyaartaan.

Abel Hernandez, Adama Diomande, Robert Snodgrass, Tom Huddlesstone iyoAndy Robertson ayaa dib ugu soo laaban doona safka hore kuwaas oo aan kusoo bilaaban ciyaartii Carling Cup-ka, balse Greg Luer dhaawac dhanka jilibka ah ayuu ku maqan yahay.

Sidoo kale Tigers waxaa wali ka maqan wiilashooda ugu muhiimsanMichael Dawson, Moses Odubajo, Alex Bruce iyoAllan McGregor.

Dhanka kale Mourinho ayaa heysta shax wada bad qabta mana jiro xidig dhibaato dhaawac uga maqan, Jesse Lingard ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda kadib markii uu seegay labadii kulan ee horyaalka.

Chris Smalling ayaa filanaya inuu markii ugu horeysay kusoo bilowdo ciyaarta caawa, inksatoo uu daqiiqo kooban ciyaaray kulankii Southampton.

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Hull City ayaa lumisay 10-kulan, wax guul ahna ma gaarin 11-kii kulan ee ay tartamada oo dhan la ciyaartay kooxda Manchester United. Guushii ugu dambeysay oo ay Tigers ka gaarto Red Devils waxey aheyd November 1974 kulan kusoo dhamaaday (2-0).

Man United ayaa guul gaartay sadex kulan, afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqatay garoonka KC Stadium kulamada EPL-ka, 1-jeerna barbaro, kuna darso in labadii kulan ee ugudambeysay xidig laga saarayay.

Wayne Rooney ayaa dhaliyay todoba gool, shantiisii kulan ee ugu dambeysay kulamada Premier League-ga uu wajaho Hull City. guud ahaan, Rooney ayaa ka qeyb qaatay 10-gool, lixdii kulan ee ugud dambeysay oo uu wajaho Tigers. (todoba gool iyo sadex caawin).

Hull City ayaa guuleystay labadeeda kulan ee ugu horeeya Premier League-ga 2016-17 – kaliya kooxda iyadoo ku cusub heerka koowaad badisay sadexda kulan ee ugu horeysay horyaalka waxey aheyd Bolton Wanderers 2001-02.

Ibrahimovic ayaa dhaliyay sadex gool labadiisa kulan ee ugu horeysay Premier League-ga. Rikoorka ugu fiican oo uu xidig dhaliyo sadexdiisa kulan ee ugu horeysa EPL-ka waa Shan Gool waxaana heysta– Pavel Pogrebnyak – halka sideed ciyaartoy ay dhaliyeen 4-gool, sadexdooda kulan ee ugu horeysa EPl-ka

Kaliya Sideed ciyaartoy ayaa shabaqa gaaray mid kasta oo ka mid ah sadexdooda kulan ee ugu horeeya horyaalka Premier League-ga waana: Michael Ricketts, Brian Deane, Adrian Mutu, Dalian Atkinson, Mick Quinn, Diego Costa, Pavel Pogrebnyak & Michu.