Tababare Sam Allardyce Oo Xaqiijiyay In Wayne Rooney Uu Sii Ahaan Doono Kabtanka Qaranka England

0
Tuesday August 30, 2016 - 11:43:05 in by Burco Office
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Sam Allardyce Oo Xaqiijiyay In Wayne Rooney Uu Sii Ahaan Doono Kabtanka Qaranka England

    Gooldhaliyaha ugu sareeya qaranka England Wayne Rooney ayaa siiwadi doona doorkiisa hogaamiyenimo ee xulka Sadexda Libaax sida uu xaqiijiyay macalinka cusub ee qaranka Sam Allardyce.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gooldhaliyaha ugu sareeya qaranka England Wayne Rooney ayaa siiwadi doona doorkiisa hogaamiyenimo ee xulka Sadexda Libaax sida uu xaqiijiyay macalinka cusub ee qaranka Sam Allardyce.


30-jirkaan hogaamiya kooxda Manchester United ayaa ka mid noqday ciyaartoyda ugu safashada badan xulkaan wuxuuna isku diyaarinayaa dhawaan inuu safto kulankiisii 116-aad isagoo hal kulan ka saramari doona David Beckham, sidoo kalana wuxuu 9-kulan ka hooseyn doonaa goolhayihii hore qarankaan Peter Shilton kaas oo 125-kulan matalay Sadexda Libaax.

Sam Allardyce ayey FA-ga u magacaabeen tababaraha qaranka England markii uu shaqada iska casilay Roy Hodgson oo ay wiilashiisa si foolxun uga soo hareen tartankii Euro 2016 markii ay qasaaro lama filaan ah kala kulmeen xulka Iceland.

Roo

Si kastaba Allardyce oo isha lagu hayay waxa uu ka yeeli doono kabtannimada qaranka ayaa kalsooni u muujiyay Rooney isagoo aaminsan inuu yahay kan ugu haboon ee hogaamin kara xulkaan.

"Wayne Rooney waa hogaamiye fiican, shaqadii uu oofiyay mudadiisa doorkaan ayaana ii fududeyneysay go’aanka aan ku weydiistay inuu sii ahaado hogaanka qaranka” Ayuu yiri Sam Allardyce.

"Rikoorada ayaa ka hadlaya nafsadda Rooney. Waa kan ugu badan ee mudo badan xulka usoo ciyaarayay kooxda, waana shaqsi ay aad u xushmeeyaan dadka asaagiisa ah” ayuu mar kale yiri Big Sam.

"Dhamaan Arimahaas isaga tilmaamaya ayaa ka dhigan inuu yahay dooqa ugu haboon ee xulka hogaamin kara”

Ugu dambeyntii Wayne Rooney ayaa maanta la hadli saxaafadda wuxuuna ka hadli doonaa arimo badan oo quseeya qaranka iyo kulanka ay Slovakia la balansan yahiin Axadda.