Cristiano Ronaldo Oo Guushii Champions Leaque-ga Ee Xili Ciyaareedkii Hore U Hibeeyay Zinedine Zidane Iyo Ronaldo Oo Si Wayn U Amaanay Macalinkiisa Zidane

0
Tuesday September 06, 2016 - 08:17:21 in by Burco Office
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Guushii Champions Leaque-ga Ee Xili Ciyaareedkii Hore U Hibeeyay Zinedine Zidane Iyo Ronaldo Oo Si Wayn U Amaanay Macalinkiisa Zidane

    Cristiano Ronaldo ayaa si wayn u amaanay saamayntii uu Zinedine Zidane ku yeeshay kooxdiisa Real Madrid wuxuuna sheegay in markii uu kooxda soo gaadhayba uu kooxda ka caawiyay in ay si adag oo waxtar leh ay u shaqayso. Ronaldo ayaa sidoo kale ka hadl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa si wayn u amaanay saamayntii uu Zinedine Zidane ku yeeshay kooxdiisa Real Madrid wuxuuna sheegay in markii uu kooxda soo gaadhayba uu kooxda ka caawiyay in ay si adag oo waxtar leh ay u shaqayso. Ronaldo ayaa sidoo kale ka hadlay sababtii uu u qaatay rekoodhihii ugu danbeeyay ee finalkii Champions Leaque-ga.


Waxa kale oo Ronaldo wax laga waydiiyay suurtogalnimada ay kooxdiisu xili ciyaareedkan ugu guulaysan karto Champions Leaque-ga balse waxa uu si wayn u amaanay macalinka kooxdiisa Los Blancos ee Zinedine Zidane oo Madrid ka caawiyay in ay ku guulaysatay koobkeedii 11 aad ee Champions Leaque-ga.

Cristiano Ronaldo oo ka hadlaya ku guulaysigii Champions Leaque-ga ee xili ciyaareedkii hore ayaa yidhi:"Waxaanu maamulnay in aanu ku guulaysano Champions Leaque-ga, aniguna waxaan ahaa gool dhaliyihii ugu sareeyay tartankan, wuxuuna ahaa mid ka mid ah xili ciyaareedyadii waayahayga ciyaareed ugu fiicnaa”.

Image result for Zidane and Ronaldo champions League cup

Cristiano Ronaldo oo ka hadlayay sababtii uu u qaatay rekoodhihii ugu danbeeyay ee finalkii Champions Leaque-ga ayaa yidhi:"Wadnahaygu wuu gariirayay markii aan isa soo dultaagay si aan u qaato rekoodhaha, maadaama oo aan ogaa in uu yahay rekoodhaha wax go’aaminaya, isla mar ahaantaana waxaan ku kalsoonaa in aan dhalinayo oo aan Real Madrid ka caawinayo koobkeedii 11 aad ee Yurub”.Precarga foto ampliada

 

Image result for Zidane and Ronaldo champions League cup

Ronaldo oo sharaxaya imaantinkii Zidane iyo qaabkii uu wax u badalay ayaa yidhi:"Zidane muhiim ayuu anaga noo ahaa xili ciyaareedkii hore, kadib markii uu soo gaadhay waxa uu naga dhigay kuwo shaqo adag oo waxtarleh. Waa xirfadle fiican iyo shaqsi cajiib ah. Aniga fikradayda isjacaylka uu ciyaartoyda u gudbiyay waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan awoodiisa. Tababarahee Champions Leaque-ga ku soo guulaystay kaliya muddo lix bilood ah markii uu kooxda la wareegay?. Zidane waxa uu u qalmaa amaan wayn waanan ku faraxsanahay in uu anaga nala joogo”.

Image result for Zidane and Ronaldo

Ronaldo ayaa la waydiiyay suurtogalnimada ay Real Madrid markale ugu guulaysan karto Champions Leaque-ga xili ciyaareedkan wuxuuna yidhi:” U ciyaarista Real Madrid, markasta waxaa jira filashada ah ku guulaysiga koobab waa wayn. Champions Leaque-gu kooxda markasta waxa uu u ahaa wax khaas ah, waxaanu ku guulaysanay in ka badan koox kasta oo kubbada cagta ah, waxaana jira xidhiidh khaas ah oo tartankan ka dhexeeya, Ujeedadayadu waxay tahay in aanu koobkii 12 aad ku guulaysano June 2017″.

Image result for Zidane and Ronaldo champions League cup