Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Arsenal Xalayto Ka Badisay Chelsea: Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka? Kumaase Ugu Liitay?

0
Sunday September 25, 2016 - 13:12:35 in by Burco Office
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Arsenal Xalayto Ka Badisay Chelsea: Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka? Kumaase Ugu Liitay?

    Kooxda Arsenal ayaa soo gabagabeysay shan sannadood oo aysan kulan Premier League ah ka badinin kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Chelsea iyagoo xalayto 3-0 ku dardaray kooxda tababare Antonio Conte oo qaab ciyaareed aad u liita soo bandhigta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Arsenal ayaa soo gabagabeysay shan sannadood oo aysan kulan Premier League ah ka badinin kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Chelsea iyagoo xalayto 3-0 ku dardaray kooxda tababare Antonio Conte oo qaab ciyaareed aad u liita soo bandhigtay.


Hadaba waxaan eegeynaa qiimeynta ciyaartoyda iyo xiddigii garoonka ugu fiicnaa kulankii Emirates. Qiimeynta waxaa ugu hooseysa tirada 1 waxaana ugu sareysa 10.

arsenal-v-chelsea

Arsenal

Cech 8:Waxa uu ahaa diirada saarayay ciyaarta isagoo xilli danbe gool ka beeniyay Batshuayi si uu dhibcaha u ilaaliyo. Waa qasab inay jamaahiirta Chelsea u xiiseen.

Bellerin 8:Si wacan ayuu u ciyaaray isagoo orodkiisa adeegsaday waxaana tusaale kugu filan inuu taakal soo kabsasho ah ku qabtay Pedro qeybtii labaad.

Koscielny 7:Waxa uu ka mid ah daafacyadii jahwareeriyay Diego Costa qeybtii hore.

Mustafi 7:Durbaba waxa uu u muuqdaa mid saldhigtay kuna adag wadnaha daafaca Arsenal.

Monreal 6:Qaab ciyaareed iska fiican ayuu ku soo bandhigay garabka daafaca bidix.

Branislav Ivanovic of Chelsea (L) tackles Nacho Monreal of Arsenal

Cazorla 7:Badbaadintii ugu horeysay ayuu ku qasbay Courtois, waxaana uu Chelsea ka qabsaday khadka dhexe.

Coquelin 6:Nasiibdarro ayay ku aheyd in ciyaarta xilli hore laga bixiyo.

Iwobi 7:Wuxuu qalqal joogta ah ku hayay daafacyada Chelsea, waxaana uu ceebeeyay Ivanovic.

Ozil 8:Si buuxda ayuu ugu qalmay goolka oo ay la socotay qaab ciyaareed kale oo fiican.

Walcott 8:Orod badni, ma daalenimo, hal abuuris intaas oo dhan waa uu isku darsaday xalatro. Gool kale xitaa wuu dhalin karay.

Alexis Sanchez scores

 

Sanchez 9:Dagaalyahan, hogaamiye, hal abuure iyo gooldhaliye. Dagaal ayuu ku qaaday Chelsea, waana ku faa;ideystay markii ay kala daadaateen.

Chelsea

Courtois 4:Cahill ayaa ku qeyliyay qeybtii labaad si uu isku saxo. Taas ayaana soo koobeysa habeenkii soo maray goolhayaha reer Belgium.

Ivanovic 2:Waxa uu ka mid yahay xiddigaha halista ugu jira in laga saaro shaxda kooxda. Waxa uu ku dhibtooday inuu celiyo Iwobi. Waa uu iska maqnaa markii ay goolasha dhalanayeen, waxaana uu u muuqday da’diisa 32 sanno jir.

Gary Cahill of Chelsea (L) shows dejectiong after Arsenal score

Cahill 2:Qaladaadkiisa waa ay soo badanayaan siiba inuu kubada meel halis ah ku dhiibto. Arsenal ayaana sidii ay doonto ka yeelatay daafaca Ingariiska.

Luiz 4:Ma uusan aheyn xiddigii ugu ciyaarta xumaa marka daacad loo hadlo. Laakiin Chelsea todobo gool ayaa laga dhaliyay tan iyo markii uu yimid.

Azpilicueta 4:Waa uu celin waayay xiddigaha garbaha ee Chelsea kuwaasoo awood u yeeshay inay caawiyaan weerarka.

Chelsea's Cesc Fabregas with manager Antonio Conte as he is substituted

Kante 4:Ozil ayaa kubad ka qaatay islamarkaana gool ka soo dhaliyay waxaana ay aheyd goolkii labaad ee Arsenal. Chelsea waxa ay aheyd inay khadka dhexe ka maamusho Arsenal laakiin isaga kaliya ma qaban karo shaqadaas.

Matic 4:Ciyaarta ayuu qaboojinayay had iyo jeer waxaana uu halis ugu jiraa in laga saaro shaxda kooxda. Waxa uu ahaa hooska sidii uu u ahaa Chelsea labo xilli ciyaareed ka hor.

Willian 4:Caadiyan waa ninka kaliya ee Chelsea wax u soo dhiciya laakiin isaga xitaa habeenkiisa ma aysan aheyn.

Fabregas 3:Si lama filaan ayaa loogu soo bilaabay. Lama filaanse ma aysan aheyn inuu ahaa ciyaaryahankii ugu horeysay ee la bedelo.

Diego Costa of Chelsea reacts

Hazard 4:Waxay aheyd mid ka mid ah kulamada xiddiga reer Belgium la waayo marka ay ciyaarta adkaato.

Costa 5:Ilaalin badan kama uusan helin garsoore Michael Oliver iyadoo ciyaartoy badan oo Arsenal ay isku dayeen inay ka careysiiyaan. Habeen jahwareer ayay u aheyd weeraryahanka.

Xiddiga Garoonka:Sanchez

Xiddigaha Ugu Liitay: Ivanovic iyo Gary Cahill