Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 2aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

0
Friday October 07, 2016 - 19:59:55 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 2aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

    Markii uu waagii soo iftiimay ee ay saacadu ku beegnayd abaaaro 6:10 daqiiqo ayaa waxaa albaabkii furay cismaan oo ahaa odaygii guriga lahaa oo markaa gaadhi guriga yaalay ka soo saarayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii uu waagii soo iftiimay ee ay saacadu ku beegnayd abaaaro 6:10 daqiiqo ayaa waxaa albaabkii furay cismaan oo ahaa odaygii guriga lahaa oo markaa gaadhi guriga yaalay ka soo saarayay.



Markii uu cismaan albaabka furayba waxay indhihiisu qabteen wiilkan yare ee albaabka hortiisa jiifa,wuxuuna usoo dhaqaaqay dhinicii uu muumin hurday, markii uu dul yimi ayaa uu isku dayay inuu toosiyo si uu xaafadiisa uga horkiciyo laakin muumin ma aanu kicin waayo hurdada uu kujiray ayaa aad dheerayd, oday cismaan waxa uu arkay In wiilka yar ay dharkiisu qoyanyihiin waxa uuna taabtay dhabankiisa waxa uuna dareemay in ay ka muuqato qandho farabadani.

 

Markiiba cismaan waxa uu is waydiiyay maxay dadki dhalay ilmahan yar sidaas ugu sii daayeeen,waxa uuna go aansaday in aanu wiilka yar halkaas kaga tagin ee uu gurigiisa hore u galiyo maadaama uu yahay wiil da,yar, Cismaan waa uu qaaday muumin waxa uuna seexiyay qol kamida qolalka gurigiisa isla markaana ka gonaa qolalka kale ee guriga oo barandhaha ku dhex yaalay,  waxa uuna  cismaan go aansaday in aanu subaxaas wax shaqo ah aadin ee uu wiilka yar cidoodii u geeeyo, waxa uuna iska fadhiistay qolkii uu muumin seexiyay hortiisa.

 

Markii uu muumin soo kacay ee uu indhaha kala furay aad ayaa uu u yaabay waxa uuna uqaatay in uu riyoonayo, laakin waxa uu xaqiiqsaday in aanay riyo ahayn ee ay runtahay waxa uuna isku dayay in uu ogaado meeshan uu jooga waxay tahay iyo sida uu ku yimi waxa uuna kasoo dul kacay furaashkii uu hurday isga oo qunyar soconaya,waxa uuna si aadyar ah u furay albaabkii ,isla markiiba waxay indhaha isku dhuften oday cismaan oo isna qolka hortiisa fadhiyay, cismaan inta uu soo kacay ayaa uu usheegay in uu fadhiisto oo quraacdo, islla markiiba waxaa loo keenay biyo si uu isugu diyaariyo quraaacda,waxa kale oo cismaan muumin usheegay in uu bedesho maryaha isla markaana uu gashado kuwakale oo uu lahaa wiil cismaan ader uyahay oo xaafad joogay.

 

Muumin waxay ku noqotay layaaab waayo waligiis ma aanu arkin soo dhawayn noocan oo kale ah, walina muumin waxa uu is way diinayaa meeshani waxa ay tahay iyo sida uu ku yimi, markii uu muumin quraacday waxa uu cismaan ku yiri, adigu yaadtahay? ma aabahay? Oday cismaan aad ayaa uu uga naxay suaashaas waxa uuna markiiba gartay in aanu wiilka yari aabo lahayn, cismaan isaga oo ilmaynaya ayaa uu ugu jawaabay maya,laakiin adeerkaa Ayaan ahay.

 

Intaa kadib cismaan waxa uu isku dayay in uu wax ka waydiiyo noloshiisa isga oo si naxariisle u waydiinaya ,muumin waxa uu si toosa uga sheekeeyay noloshiisi xaqiiqada ahayd ee uu markaa ku sugnaa, cismaan hada waxa uu gartay in aanu wax cida oo uu markaa u geeyo wiilkan aanay jirin, waxa uuna aad uga cabsaday in wiilkan  sidaas ku sii daayo ,waxa uuna go aansaday in uu isagu korsado oo uu sadex ku noqdo wiil uu adeer u ahaa oo la odhanjiray nuur iyo gabadh yar oo uu dhalay oo la odhanjiray qaali isla markaana iskuul ku maqnayd.

 

Waxa uuna cismaan muumin usheegay oo uu ku qanciyay in uu halkan iska joogo oo aanu debeda uga bixin xaafada, muumin waxa uu qatay hadalkii cismaan waxa uuna iskaga jiray qolkiisii, marka kaliya ee uu qolka kasoo baxaayay waxa ay ahayd marka uu musqqulka aadayo, wakhti ay goorsheegtu ku beegnayd 5:30kii galabnimo ayaa uu muumin damcay in uu musqusha aado markii uu albaabka kasoo baxayba waxay indhaha isku dhufteen qaali oo Iyana markaa meel baran dhaha ahayd oo qolka muumin ku began muraayad isku fiirinaysa, muumin markiiba indhaha lama uu sii raacin ee waxa uu isaga dhaqaaqay dhinicii musqusha, qaali oo ahayd inan aad u kibir badan, is qaadqaad badan,aadna isula han wayn isla markaana caan ka ahayd xaafada ay ku nool yihiin ayaa markii ay aragtayba waxay si degdega ugu soo dhaqaaqday dhinicii muumin waxayna si kibir kujiro ugu tiri, yarka yarka adigaan kula hadlayaa istaag, muumin inta uu istaagay ayaa isaga oo hoos ufoorara si naxariisle ugu yiri haa walaal,  qaali ayaa hadalkii ku noqotay oo kutiri maa digaa wiilka aabo adeerka uyahay?  muumin oo wali dhulka eegaya ayaa ku celiyay haa walaal, qaali inta ay qososhay ayaa ay ku tiri oo xaguu aabahay adeerka kaaga noqday? Muumin inta uu aad u naxay islmarkaana dhidid ka yimi ayaa ugu jawaabay garan maayo walaal, qaali oo wali qoslaysa ayaa ku tiri miskiin orod iska soo xaajood bal nooca kule aabahaa ayaa adeer ii ah daawada haday dadkii lasoo helayna na sheegteen.

 

Muumin oo wadnuhu aad u garaacmayo ayaa ayaa meeshii si qunyar ah uga dhaqaaqay waxa uuna iska aadaay musqushii uu ku socday,…………..lasoco qaybta 3aad




Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

Gmail: Maxamedqani122@gmail.com

Facebook: Maxamed Andar