Spain Oo Guul Muhiim Ah Ka Soo Gaadhay Albania, Italy Oo Dirqi Ku Badbaaday, Tunisia Oo Guinea Dubatay Iyo Dhamaan Natiijooyinkii Kulamadii Isreeb Reebka Koobka Aduunka Ee La Ciyaaray

0
Monday October 10, 2016 - 09:02:53 in by Burco Office
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Spain Oo Guul Muhiim Ah Ka Soo Gaadhay Albania, Italy Oo Dirqi Ku Badbaaday, Tunisia Oo Guinea Dubatay Iyo Dhamaan Natiijooyinkii Kulamadii Isreeb Reebka Koobka Aduunka Ee La Ciyaaray

    Xulka qaranka Spain ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay Albania waxayna La Roja ka soo badbaaday imtixaankii hogaamiyaasha Group G. Diego Costa iyo Nolito ayaa Spain ka soo caawiyay in ay guushan ku soo gaadho 2:0 bilaa jawaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka Spain ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay Albania waxayna La Roja ka soo badbaaday imtixaankii hogaamiyaasha Group G. Diego Costa iyo Nolito ayaa Spain ka soo caawiyay in ay guushan ku soo gaadho 2:0 bilaa jawaab

ah. Kulankan kale oo isla Groupkan ka tirsan xulka qaranka Talyaaniga ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay guul dirqi ah ka gaadhay xulka qaranka Macedona. Halkan ayaanu idiinku soo gudbinaynaa dhamaan kulamadii caawa la ciyaaray ee isreeb reebka koobka aduunka.

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

Albania-España en imágenes

Albania XI (4-3-3):Berisha; Hysaj, Djimsiti, Mavraj, Agolli; Lila, Xhaka, Memushaj; Roshi, Balaj, Lenjani.

Kaydka:Reina, Rico, Martinez, Nacho, Carvajal, Roberto, Herrera, Isco, Nolito, Vazquez, Callejon, Morata.

Spain XI (3-4-3):De Gea; Ramos, Pique, Monreal; Koke, Busquets, Thiago, Iniesta; Vitolo, Costa, Silva.

Kaydka:Hoxha, Shehi, Veseli, Aliji, Grezda, Hyka, Kukeli, Basha, Abrashi, Cani, Llullaku, Cikalleshi.

Albania-España en imágenes

Albania-España en imágenes

Xulka qaranka Spain ayaa markale soo badhigay qaab ciyaareed fiican iyo kubbad haysashadii lagu yaqaanay laakiin xulka qaranka martida loo ahaa Albania qaybtii hore ee kulakan soo bandhigay qaab difaacasho cajiib ah waxayna Spain uga dhaarteen in ay shabaqooda soo taabto. Albania ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo hogaanka u haysay Group G ee isreeb reebka aduunka.

Albania-España en imágenes

Spain ayaa si joogto ah u abuuraysay fursado tiro badan waxayna marar badan ku dhawaadeen in ay helaan goolka furitaanka balse goolhayha Albania iyo difaacooda ayaa muujiyay adkaysi badan waxayna qaybtii hore ee kulankani ay ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.Albania-España en imágenes

Albania-España en imágenes

Albania-España en imágenes

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Spain markiiba bilawday in ay Albania go’doomiso waxayna si xoogan u raadinaysay goolka ay qaybtii hore awoodi waayeen in ay dhaliyeen inkasta oo ay fursado badan abuureen.

Albania-España en imágenes

DAQIIQADII 55 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Xulka qaranka Spain ayaa ugu danbayn jabiyay difaaca birta ahaa ee xulka qaranka Albania waxaana goolkan La Roja u saxiixayDiego Da Silva Costa kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Spain hogaanka ciyaarta ku qabtay. David Silva ayaa qalad uu sameeyayBerisha ku ciqaabay wuxuuna markiiba kubbada bixiyay Costa kaas oo aan wax qalad ah samayn isla markaana kubbada si fiican goolkan u dhamaystiray.

Chelsea striker Diego Costa celebrates after breaking the deadlock in the second half

DAQIIQADII 60 AAD Tababaraha Spain ayaa ciyaarta ka saarayVíctor Vitolo wuxuuna kaydka uga yeedhay Nolito kaas oo isla markiiba ciyaarta saamayn wayn ku yeeshay isla markaana awooda weerar ee xulka qaranka Spain ka dhigay kuwo sidii hore ka fiican.

Costa celebrates scoring the opening goal with Spain captain Sergio Ramos

DAQIIQADII 63 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Saddex daqiiqo oo kaliya markii uu ciyaarta ku jiray ayuu Nolito xulka qarankiisa Spain u keenay goolka labaad ee kalsoonida kadib markii ay Iniesta, Silva iyo Monreal kubbad isku soo dhufsadeen basle Nolito ayaa qaab fiican ku dhaafay difaacyada Albania ka hor inta aanu goolkan dhalin wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay La Roja hogaanka ku dheeraysatay.

 

Nolito (left) of Manchester City came on to double Spain's lead with a superb individual effort

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Spain guul muhiim ah kaga soo gaadhay xulka qaranka Albania waxayna La Roja hogaanka u qabtay Group G inkasta oo ay Italy isku dhibco yihiin. Spain ayaana ka soo badbaaday imtixaankii Albania.

Kulan kale oo xiiso badan oo ka tirsnaaa isla Group G ayaa xulka qaranka Talyaanig si dirqi ah guul uga soo gaadhay xulka qaranka Macedona oo wacdaro cajiib ah la soo baxday iyada oo Italy uu daqiiqadii 24 aad goolka furitaanka udhaliyay Andrea Belotti laakiin Macedona ayaa goolkii barabaraha heshay daqiiqadii 57 aad waxaana ciyaarta barbaro 1:1 ah ka dhigayIlija Nestorovski.

laakiin laba daqiiqo oo kaliya kadib Maceona ayaa markeeda hogaanka ciyaarta la wareegtay kadib markii uu daqiiqadii 59 aad goolka labaad Macedona udhaliyay Ferhan Hasani balse Italy ayaan isdhiibin waxayna markooda goolkii barbaraha heleen daqiiqadii 75 aad waxaana ciyaarta barbaro 2:2 ah ku soo celiyay Ciro Immobile balse daqiiqadii 90+1 ee dhamaadkii ciyaarta ayuu Ciro Immobile uu qalbi jabiyay xulka qaranka Macedona isaga oo Italy waqtigii dhimashada u keenay goolka guusha waxayna ciyaartu u dhamaatay 3:2 ay Italy dirqi ugaga soo badbaaday Macedona.

Kulamada kale ee caawa ay ciyaareen qaramada aduunku waxaa ka mid ah kulankii uu xulka qaranka Tunisia 2:0 ku garaacay Guinea halka Wales ay barbaro 1:1 ah la gashay xulka qaranka Georgia. Isreal ayaa 2:1 ku garaacdayLiechtenstein iyada oo Croatia ay 1:0 kaga soo badisay xulka qaranka Filand. Xulka qarankaUkraine ayaa 3-0 ku dubtay Kosovo. Algeria iyo Cameroon ayaa iyaguna barbaro 1:1 ah ku kala baxay.

Gareth Bale celebrates after heading Wales ahead in only the 10th minute of the game at the Cardiff City Stadium

NATOOJINKII KULAMADII ISREEB REEBKA KOOBKA ADUUNKA EE CAAWA LA CIYAARAY:

Albania 0-2 Spain

Macedona 2-3 Italy

Tunisia 2-0 Guinea

Wales 1-1 Georgia

Israel 2-1 Liechtenstein

Finland 0-1 Croatia

Ukraine 3-0 Kosovo

Moldova 1-3 Rep. of Ireland

Serbia 3-2 Austria

Iceland 2-0 Turkey

Algeria 1-1 Cameroon