Xasan Ciise Jaamac Oo Si Kal Furan U Soo Dhaweeyay Guddoomiyenimada Cabdiqaadir Jirde

0
Saturday October 15, 2016 - 12:11:05 in by Burco Office
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Ciise Jaamac Oo Si Kal Furan U Soo Dhaweeyay Guddoomiyenimada Cabdiqaadir Jirde

    Guddoomiyihii urur-siyaasaddeedkii XAQSOOR Md. Xasan Ciise Jaamac ayaa markii ugu horraysay daboolka ka qaadday inuu si kal iyo laab ah u soo dhawaynnaayo Xilka guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo maanta la isla gartay innuu noqdo Xildhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii urur-siyaasaddeedkii XAQSOOR Md. Xasan Ciise Jaamac ayaa markii ugu horraysay daboolka ka qaadday inuu si kal iyo laab ah u soo dhawaynnaayo Xilka guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo maanta la isla gartay innuu noqdo Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde.

"CabdiqaadirXasan Ciise Jaamac oo khadka telefoonka ugu waramaayay Shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, waxa uu sheegay innuu kalsooni badan ku qabo Waayo-aragnimada iyo kartida shaqo ee Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil jirde, waxaannu sheegay in hoggaaminta Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde hore loo arkay, isla markaanna meelkasta oo uu tago uu wax badan ku soo kordhin karro, waxaannu yidhi

Jirde waa Nin aan ku kalsoonnahay, waana Nin aan aaminsannahay inuu wax badan ka tari karo meelkasta oo uu ku biiro, markaa waan ku tahniyaddaynayaa hawshaas cusub ee uu qabtay, waxaanan u rajaynayaa in IIIaahay ku asturro” Ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac

 

Waxaannu intaas ku daray Xasan Ciise Jaamac "Waatan maanta xafladda lagu qabtay Ambassador ee ay isku af-garteen in Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde loo magacaabo guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, markaa Cabdiqaadir ayaan aqoon u leeyahay oo aanu isku kacaan ahayn, Dugsiganna isku Sanad-baanu ahayn, markaa waan hambalyeynayaa waanna Nin aan ku kalsoonnahay, waxaannu ka mid yahay ragga maanta dalka Somaliland jooga ugu aqoonta badan uguna fahmada badan dhinaca Siyaasada uguna waayo-aragsan lana Aaminni karro, markaa aad iyo aad ayaan u boggaadinayaa Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde” Sidaas ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac oo ah Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee jamhuuriyadda Somaliland,