Real Madrid Oo Cadhadii Guul La'aanta Kula Dhacday Kooxda Real Betis, Francisco Isco Oo Laba Gool Iskugu Muujiyay Zidane Iyo Los Blancos Oo Ugu Danbayn Tubta Guusha Ku Soo Laabtay

0
Sunday October 16, 2016 - 01:15:29 in by Burco Office
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Cadhadii Guul La'aanta Kula Dhacday Kooxda Real Betis, Francisco Isco Oo Laba Gool Iskugu Muujiyay Zidane Iyo Los Blancos Oo Ugu Danbayn Tubta Guusha Ku Soo Laabtay

    Real Madrid ayaa si xun u soo xasuuqday kooxda Real Betis oo ay marti u ahayd, waxayna kooxda Zinedine Zidane dib ugu soo laabtay tubta guusha kadib markii ay bilaa guul ahayd afartii kulan ee ugu danbeeyay tartamada oo dhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa si xun u soo xasuuqday kooxda Real Betis oo ay marti u ahayd, waxayna kooxda Zinedine Zidane dib ugu soo laabtay tubta guusha kadib markii ay bilaa guul ahayd afartii kulan ee ugu danbeeyay tartamada oo dhan

. Real Madrid ayaa guushan xaqiijisatay qaybtii hore ee kulankan iyada oo 4:0 hogaanka ku haysay qaybtii hore ee kulankan.

Raphaël Varane ayaa Real Madrid goolasha u daah furay isaga oo xili horeba shabaqa ka soo taabtay kooxda Real Betis waxaana goolka labaad raacsaday Karim Benzema laakiin Toni Kroos ayaa labadan gool caawintooda sameeyay.

Marcelo iyo Isco ayaa min gool dhaliyay intii ayna waqtigii nasshada gaadhin. Qaybtii danbe Real Betis ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxaana udhaliyayÁlvaro Cejudo Carmon balse markiiba Isco ayaa goolkiisa labaad ugu jawaabay.Waxaana goolasha daadka ahaa ee Real Madrid soo gunaanaday Cristian Ronaldo oo waqti badan goolkan raadinayay waxayna ciyaartu ku dhamaaday 6:1 ay Los Blancos cadhadii guul la’aanta ay kagala dul dhacday Betis.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Real Betis XI (4-3-3): Adan; Piccini, Mandi, Pezzella, Durmisi; Brasanac, Petros, Martin; Joaquin, Alegria, Castro.

Kaydka: Gimenez, Donk, Cejudo, Musonda, Ceballos, Zozulya, Sanabria.

Real Madrid XI (4-3-3): Navas; Carvajal, Pepe, Varane, Marcelo; Isco, Kroos, Kovacic; Bale, Benzema, Ronaldo.

Kaydka:Casilla, Nacho, Danilo, Diaz, Asensio, Vazquez, Morata.

Real Madrid ayaa ciyaarta ku bilaabtay qaab ciyaareed aad u fiican iyaga oo u muuqday in ayna wax dhibaato ah u dareemin Ramos iyo Modric. Kooxda Zidane ayaa qaybtii hore ee kulankan isu hubsatay saddexda dhibcood waxayna sii xaqiijisteen guul xili hore ah. Real Madrid ayaa sii ogayd in dhaawaca ay u gaystay Real Betis ayna kaga soo kabsan karin qaybta danbe ee kulankan.

DAQIIQADII 4 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Real Madrid ayaan wax waqti ah isaga lumin in ay hesho goolkeeda furitaanka ee dhibaatada wayn ay ugu gaysatay kooxda ay martida u ahayd ee Real Betis waxaana gool madax ah si qurux badan u dhamaystiray difaaca ree France eeRaphaël Varane kaas oo macalinka dalkiisa France ka caawiyay in uu si fiican u neefsado. Ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Madrid hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Toni Kroos ayaa heshiiskiisa cusub ugu dabaal degay gool caawinta uu u sameeyay Varane waxayna Real Madrid awood u yeelatay in waqtigan wixii ka danbeeyay ay ciyaarta u maamusho sida ay doonto iyada oo Marcelo iyo Benzema ay fursado badan ka abuurayeen dhinac bidix.

 

DAQIIQADII 31 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOL! Real Madrid ayaa heshay goolkeeda laabad waxaana markan abaartii gool la’aanta iyo dhibtii haystay goolkan ku ilaawayKarim Benzema oo si fiican uga faa’iidaystay kubbad qurux badan oo uu xerada ganaaxa Betis kaga helay Toni Kroos kaas oo sameeyay gool caawintiisa labaad. Laakiin Benzema ayaa u muuqday in uu offside ku jiray balse calanwadaha ayaan waxba tilmaamin waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Los Blancos hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Karim Benzema scores Real Madrid's second goal

DAQIIQADII 39 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOL! Real Madrid ayaa ciyaarta hurdada u dirtay xili horeba waxaana goolka saddexaad Zidane kaga qosliyayMarcelo Vieira da Silva kaas oo si fiican kubbada u maamulay isla markaana dhaliyay goolka Real Betis dhulka sii jiiday wuxuuna ciyaarta Marcelo ka dhigay 3:0 ay jiho kaliya oo Madrid ah ciyaartu ka socoto.

DAQIIQADII 45 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOOOL! Waqti kooban ka hor intii aan la gaadhin dhamaadka qaybtii hore waxayna Real Madrid heshay goolkeeda afraad waxaana xaashada gool dhalinta kulankan isku qoray Francisco Isco kaas oo markiisa caawin ka helay Pepe, wuxuuna Isco xaalada ku sii xumeeyay Real Betis taas oo markan xaqiijisatay in ay jirin dariiq ay dib ugu soo laaban kartaa, ciyaarta ayaa isku badashay 4:0 ay Madrid ku xaaqayso Betis.

Xaqiiqadii qaab ciyaareedkii ay Real Madrid soo badhigtay qaybtii hore ee kulankan ayuu ka muuqday isbadal wayn marka la barbar dhigo kulamadii hore ee ay barbaraha soo gashay. Qaar ka mid ah saxaafada Spain oo ugu horeeyay wargayska Sport ayaa sheegay in Real Madrid ay waqti xaadirkan ka faa’iidaysan doonto maqnaansha Ramos oo xaalad qaab ciyaareed oo xun ku jiray, waxayna difaaca Madrid muujiyeen isku xidhaan fiican iyo qalad ay ka dheeraadeen.

Real Betis goalkeeper Antonio Adan (L) vies with Real Madrid's Cristiano Ronaldo

Crisitano Ronaldo ayaa si wayn u doonayay in uu qayb ka noqodo xidiga goolasha u dhaliyay kooxdiisa Madrid basle waxa uu awoodi waayay inuu ka faa’iideeyo fursado fiican oo soo maray Qaybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay 4:0 ay Los Blancos gacanta sare ku lahayd.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta waxaa layska sii ogaa in natiijada ciyaartu ay dhinac jiray balse waxaa lays waydiinayay in Real Madrid ay jawaab ka bixin doonto guushii Ateltico Madrid ee 7:1 ku xaaqday kooxda Granada.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Real Betis ayaa bilawday in ay korto buur dheer oo ay Real Madrid dhistay qaybtii hore ee ciyaarta waxayna Guus Payet bilawday in ay fursado fiican abuurtay si ay ugu yaraan u soo yarayso farqiga goolasha badan.

DAQIIQADII 55 AAD GOOOOOOOOOOOL! kooxda martida loo ahaa ee Real Betis ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxaana goolkan u saxiixayÁlvaro Cejudo Carmona kaas oo Pepe ku ciqaabay qalad uu sameeyay iyada oo Martin uu kubbad uu Pepe qalad wayn ku lahaa uu u bixiyay xidiga sameeyay caawinta goolkan ee Joaquín, waxayna ciyaartu noqotay 4:1 ay wali Madrid hogaanka ku hayso.

DAQIIQADII 62 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Real Madrid ayaa soo ceshatay hogaankii afarta gool ahaa waxaana markan goolkiisa labaad Madrid u saxiixay Francisco Isco kaas oo caawin ka helay Cristiano Ronaldo oo wali raadinayay sidii uu kaga mid noqon lahaa xidigaha goolasha dhaliyay, wuxuuna Isco ciyaarta ka dhigay 5:1 isaga oo Zidane tusay tayada uu kursiga kaydka kula caajisay.

DAQIIQADII 78 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Waqtigii ay jamaahiirta Real Madrid sugaysay ayaa la soo gaadhay waxaana ugu danbayn cadhadii gool la’aanta ka baxay Cristiano Ronaldo dos Santos kaas oo dadaal badan kadib helay goolka uu ciyaarta oo dhan raadinayay wuxuuna uga mahad celinayaa Alvaro Morata oo u dhaamay cidkasta kaas oo sameeyay cawinta goolka CR7, waxaya ciyaartu noqotay 6:1 ay Madrid ku sii xaayso Betis.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 6:1 ay Real Madrid ku soo xasuuqday kooxda Real Betis isla markaana ay iskaga soo maydhay afartii barbaro ee ay soo gashay kulamadii la soo dhaafay. Zidane ayaa ka badbaaday culays kale wuxuuna markan diyaar u noqon doonaa kulanka Chamions Leaque-ga iyada oo kooxdiisu niyad fiican haysata.