;Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland oo ka hadashay 24 qof oo lagu xidhay Caynabo

0
Sunday October 23, 2016 - 19:07:06 in by salman abdi
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ;Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland oo ka hadashay 24 qof oo lagu xidhay Caynabo

    Hargeysa(AFKA);Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland oo ka hadashay 24 qof oo lagu xidhay Caynabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland oo ka hadashay 24 qof oo lagu xidhay Caynabo

XARUNTA XUQUUQAL INSAANKU WAXAAY UGU BAAQAYSAA DAWLADDA SOMALILAND INAY XORIYADOODA U SOO CELISO 24 QOF OO XIDHAN TAN IYO 17KII JUNE 2016 IYADA OO AAN DACWAD LAGU SOO OOGIN.

12806158_10206214872512561_6196562669502695970_n-300x300

AFAR IYO LABAATANKA NIN WAXA LAGA SOO XIDHAY MAGAALADA CAYNABO IYADA OO AAN LOO HAYSAN AMAR MAXKAMADEED. LAMA HORGEYN DADKAAS MAXKAMAD ISLAMARKAANA WAX EED AH OO LAGU SOO OOGAY MA JIRTO.

SIDEED IYO TOBAN KA MID AHI WAXAAY KU XIDHAN YIHIIN MANDHEERA HALKA LIXINA KU XIDHAN TAHAY CAYNABO. WAXA KA MID JIIF CAAQIL SALAAD YUUSUF QODAX, CAAQIL SALAAD FAARAX YUUSUF IYO CAAQIL AADAN SALAAD JAAMAC.

SIDA AY NOO XAQIIJIYEEN QOYSASKOODA IYO ILO

KALE, ODAYADAN WAAYEELKA AH WAXA LOO XIDHAY SABAB LA XIDHIIDHA NIN AY ISKU QABIIL YIHIIN OO LA SHEEGAY INUU KU DILAY DEEGAANKA CAYNABO NIN KALE KADIBNA BAXSADAY. LOOMA HAYSTO FAL AY KA GEYSTEEN DHACDADA, BALSE INAY YIHIIN ODAYO LA REER AH AYAY U XIDHAN YIHIIN.

WAXA LAGU HAYAA AMARKA BADHASAABKA SARAAR, SIDA LOO XAQIIJIYAY XARUNTA. SHURUUCDA SOMALILAND MA OGOLA IN BADHASAABADU AY DADKA U DIRAAN XABSIGA. XARUNTA XUQUUQAL INSAANKU WAXAY 29KII SEPTEMBER QORAAL CODSI AH U QORTAY WASIIRKA CADDAALADDA IYO HAY’ADO KALE OO AY KHUSEEYSO. WAX JAWAAB AHNA KAMA HELIN.

SIDA KU CAD QODOBKA 25AAD EE DASTUURKA SOMALILAND QOFNA XORRIYADIISA LOOGAMA QAADI KARO SI AAN WAAFAQSNAYN XEERKA. SHARCIGU WUXUU WAAJBINAYAA IN 48 SAACADOOD GUDOHOOD LAGU HORGEEYO MAXKAMAD CIDII LA SOO XIDHO. AFAR IYO LABAATAN KAN QOF WAX MAXKAMAD AH LAMA HORGEYN MANA JIRTO GARSOORE XALAALEEYEY HAYNTOODA. QODOBKA 26AAD EE DASTUURKU WUXUU SHEEGAYAA MAS’UULIYADDA DEMBI CIQAABEED WAXAY KU KOOBAN TAHAY CIDDA GEYSATAY OO KELIYA.

XARUNTA XUQUUQAL INSAANKU WAXAAY KA CODSANAYSAA DAWLADA SOMALILAND INAY XORRIYADOODA U SOO CELISO DADKAAS XIDHAN.

GULEID AHMED JAMA

GUDOOMIYAHA XARUNTA XUQUUQAL INSAANKA

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL:HRCSOMALILAND@GMAIL.COM