Boqorka Sacuudiga oo hambalyo la yaab leh u soo diray shacabka iyo dowlada Soomaaliya

0
Sunday October 23, 2016 - 19:21:31 in by salman abdi
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Sacuudiga oo hambalyo la yaab leh u soo diray shacabka iyo dowlada Soomaaliya

    Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya u soo diray hambalyo ku aadan sanadguurada maalinta 21 Oktoober oo ku beegan markii dowladii milateriga aheyd ay afgembiga ku qabsatay talada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya u soo diray hambalyo ku aadan sanadguurada maalinta 21 Oktoober oo ku beegan markii dowladii milateriga aheyd ay afgembiga ku qabsatay talada dalka. Dhambaal Hambalyo ah ayaa Boqor Salmaan waxaa uu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’uud iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu hambalyeynaya Maalinta 21ka Oktoobar.
Sidoo kale dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa isla hambalyo taas la mid ah u soo diray shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

Madaxda Sacuudiga ayaa maalinta 21-ka Oktoobar u heysta iney tahay maalinta loo dabaaldego qaranimada Soomaalida.

Madaxweynihii hore ee Somalia marxuum Maxamed Siyaad Barre ayaa dabaaldegyo waaweyn iyo fantasiyeyaal u sameyn jiray maalinta 21-ka Oktoobar oo ku beegan markii uu talada dalka awooda ku qabsaday 1960, isagoo dhinaca kale aan muhimad badan siin jirin maallinta xoriyada dalka ee 1-da Luulyo.

Madaxda Boqortooyada Sucuudiga ayaa ilaa 2007-dii waxay Soomaaliya u soo dirayeen Hambalyada maalinta 21ka Oktoober ee uu leeyahay Kacaankii dalka qabsaday 1969kii taasoo hadda ah mid aan la xusin, la iskuna soo hadal qaadin.