Ma Dhabaa Shir Qarsoodi Ah Oo Shalay Ku Dhexmaray Magalada Hargaysa Muusei Biixi Iyo Axmed Muumin Sees

0
Friday December 09, 2016 - 13:38:44 in by salman abdi
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa Shir Qarsoodi Ah Oo Shalay Ku Dhexmaray Magalada Hargaysa Muusei Biixi Iyo Axmed Muumin Sees

    Kulan Qarsoodi ah ayaa shalay magaalada Hargeysa ku dhexmaray guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo kuxigeenkii hore ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan Qarsoodi ah ayaa shalay magaalada Hargeysa ku dhexmaray guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo kuxigeenkii hore ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin.



Kulankan oo qado ahaa isla markaana ka dhacay Hotel Safari ee magaalada Hargeysa ayaa gabi ahaanba ahaa mid warbaahinta laga qariyey, waxaana kulankaas lagaga wadahadlay arrimo xasaasi ah sida ay wararku sheegayaan, iyadoo uu kulankani qayb ka ahaa dedaalka uu xisbiga KULMIYE ugu jiro inuu Axmemd Muumin Seed ku soo biiriyo cududiisa taageero.

Ma Jiro war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac, hase yeeshee kulankan labada masuul ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo inay Axmed Muumin Seed, Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse Biixi ay tagaan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, iyadoo la filayo in Axmed Muumin Seed xafladiisa ku biiritaanka KULMIYE lagu qaban doono Boorama.

Sidoo kale Madaxwayne kuxigeenkii Somaliland ayaa isna shalay dalka soo gaadhay sidii aanu hore idiinku soo gudbinayna munaasibada Boorama ka dhici doonta waxaa diyaarinteeda ku shaqo leh wasiirro xukuumadda ka tirsan oo gobolka ka soo jeeda.