Daawo;Musharax Muuse Biixi Oo Magacaabay Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad Ee Xisbiga Kulmiye.

0
Sunday January 15, 2017 - 15:50:59 in by salman abdi
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo;Musharax Muuse Biixi Oo Magacaabay Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad Ee Xisbiga Kulmiye.

    Hargeysa(AFKA);Musharax Muuse Biixi Oo Magacaabay Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad Ee Xisbiga Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Musharax Muuse Biixi Oo Magacaabay Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad Ee Xisbiga Kulmiye

Ku: Xuseen Aadan Cadde =Hargeysa =

Og: Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE =Hargeysa =

Og: Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE =Hargeysa =

Og: Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud =Hargeysa =

 

Ujeeddo:Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 3-aad ee Xisbiga KULMIYE

Kadib markaan arkay xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga KULMIYE ee bannaannaaday ansixintii Shirweynihii 3-aad ee xisbiga KULMIYE kadib.

Kadib markii aan la tashi la sameeyey xubnaha Hoggaanka xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso.

Kadib markaan arkay muhiimadda buuxinta xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee bannaani u leedahay waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay:

 

-In Xuseen Aadan Cadde – Laga

bilaabo maanta, January 15th, 2017, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad (3-aad) ee xisbiga KULMIYE.

 

Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Mudane Xuseen Aadan Cadde ku asturo xilka iyo masuuliyadda culayskeeda leh ee uu u qaaday dhammaan bah-weynta xisbiga KULMIYE.

NB: Magacaabista xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee kor ku xusan waxa ay dhaqangali doontaa ansixinta shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya kadib. Xil gudasho wacan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Muuse Biixi Cabdi