Madaxweynaha Somaliya Oo Muqdisho kula kulmay Diblamaasiyiin Carbeed + Sawirada

0
Thursday January 19, 2017 - 16:58:06 in by Burco Office
  • Visits: 537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya Oo Muqdisho kula kulmay Diblamaasiyiin Carbeed + Sawirada

    Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada waddamada Jaamacadda Carabta, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo guddiga Qaran ee abaaraha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada waddamada Jaamacadda Carabta, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo guddiga Qaran ee abaaraha. Kulankan ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii dalalka Carabta ay door muuqda uga qaadan lahaayeen in ay ka qeyb-galayaan kaalmada iyo gurmadka dadka ay abaaraha xooggan ee xiligan ka jira Soomaaliya.

Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, ayaa sheegay in farriinta shacabka Soomaaliyeed ka timid ay ka jawaabi doonaan dalalka Jaamacadda Carabta, waxa uuna ugu baaqay hey’adaha dalalkaasi in ay arrintaan si deg deg ah wax uga qabtaan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo guddiga Qaran ee abaaraha ka tirsan, ayaa sheegay in dhibaatada hadda jirta in aysan ku filneyn shacabka iyo dowladda, loona baahan yahay kaalmo caalami ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta ay kala hadleen sidii ay Soomaaliya u garab istaagi lahaayeen marxaladda abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay u gurmadaan deegaannada iyo gobollada ay abaartu saameysay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe hey’adaha dowladdu ay uga qeyb-qaadanayaan gumadka abaaraha.

Xaaladda Abaarta waxaa la sheegay in shan Milyan oo dad Soomaaliyeed ay saameyn doonto haddii aanan si dhaqsaha ah looga jawaabin xaaladdaasi adag oo ka taagan gobollo badan oo Soomaaliya ka tirsan, waxaana muhiim ah isku tashiga Soomaalida.