Barcelona Oo Markii Labaad Shaacisay In Ay Rafcaan Ka Qaadanayso Ganaaxii Labada Kulan Ahaa Ee Luis Suarez Lagu Xukumay.

0
Friday February 10, 2017 - 12:59:42 in by Burco Office
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Markii Labaad Shaacisay In Ay Rafcaan Ka Qaadanayso Ganaaxii Labada Kulan Ahaa Ee Luis Suarez Lagu Xukumay.

    Kooxda Barcelona ayaan wali ka quusan in Luis Suarez uu helo waxa u arkaan in uu xaq u leeyahay oo ah in meesha laga saaro kaahdkii digniinta ahaa ee labaad kaas oo sabab u noqday in xidiga ree Uruguay kaadhka cas loo taagay dhamadkii kulankii Camp N

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Barcelona ayaan wali ka quusan in Luis Suarez uu helo waxa u arkaan in uu xaq u leeyahay oo ah in meesha laga saaro kaahdkii digniinta ahaa ee labaad kaas oo sabab u noqday in xidiga ree Uruguay kaadhka cas loo taagay dhamadkii kulankii Camp Nou ee Atletico Madrid ee ay Barcelona ugu soo baxday finalka Copa Del Rey.

Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay guddia u xilsaarnayd kiiska Suarez ayaa soo saaray go’aankooda waxayna gool dhaliyaha Barcelona ee Luis Suarez ku rideen xukuan laba kulan oo ganaax ah halka ay meesha ka saareen kaadhkii digniinta ahaa ee Sergio Busquets laakiin markale Barcelona ayaa shaacisay in ay guddida rafcaanlayaasha u gudbinaso rafcaan labaad oo lagu doonayo in meesha lagaga saaro ganaaxa labada kulan ee Suarez.

 

War qoraal ah oo Barcelona ka soo baxay ayaa lagu yidhi:” Kooxda kubbada cagta Barcelona waxay ka loolamaysaa ganaaxa labada kulan ah ee Luis Suarez ay ku riday guddida tartanku waxayna rafcaan uga qaadanaysaa guddida rafcaan layaasha. Ciqaabtu waxay timid kadib laba kaadh digniin ah oo deg deg ahaa oo xidiga ree uruguay la siiyay dhamadkii lugtii labaad ee kulankii Atletioc Madrid ee afar dhamadka Copa Del Rey”.

Barcelona oo sababta rafcaankeeda sheegaysa ayaa qoraalkan lagu yidhi:"Dooda in dhinaca kale loo dhigo go’aankani waxay ku salaysan tahay in ciyaartoyga Barcelona aanu samayn taabashadii xaqa ahayd ee ciyaartoyga ka soo horjeeday sida uu garsooruhu warbixintiisa ku daray. Gudda tartanku waxay meesha ka saareen kaadhkii digniinta ahaa la tusay Sergio Busquets ee dhamadkii kulankii Atletico Madrid”.